Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo culeys soo saaray goobihii laga sheegay Shidaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo haatan sii kordhisay dhaq-dhaqaaqeeda ayaa la timid qorsheyaal cusub oo ku aadan dagaalka adag ee ay kula jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo sii xoogeysanayay maalmihii lasoo dhaafay.

Al-Shabaab ayaa hadda la timid xeelad cusub oo ku aadan dagaalkeeda, waxayna culeys soo saartay inta badan goobihii laga sheegay Shidaalka, sida uu shaaciyay Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Macallimuu oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in kooxda ay mar walba diiradda saarto meelaha laga sheego horumarka, wuxuuna tusaale usoo qaatay goobihii laga sheegay Shidaalka oo uu tilmaamay in culeyskeeda ugu xoogan isugu keentay.

“Meelaha ay mar walba Al-Shabaab aadaan waxaa kamid ah goobaha la yiraahdo shidaal ayaa laga qodayaa horumar ayaa la sameynayaa, dhaq-dhaqaaqooda aad ayuu u badan yahay, wuxuuna ku badan yahay meelahaas la tuhmayo in shaqooyinka laga qabanayo” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka qayb-galay dood uu qabtay Universal Tv.

Xildhibaanka ayaa xusay in nimankan ay ku dhex jiraan shisheeye, isla markaana looga faa’iideysanayo dagaalka ay ka wadaan gudaha dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay nimankan waa lagu dhex jiraa waa la wataa siyaasadda Soomaaliya, ayayna qayb ka yihiin Ajnabi ayaana ku dhex jiro, sideedaba mabda’ ay wataan ayaa waxa uu yahay ajende shisheeye” ayuu mar kale yiri Xildhibaanka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Wax dan ah oo ay Soomaali ka leeyihiin ma jirto, mana rabaan horumar iyo wanaag”.

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku dhuftay dowladda looga guuleystay dhanka dacaayadda ee dagaalka, isaga oo sheegay in Al-Shabaab ay ku daydeen ururo kale oo caalami ah oo dhiggooda ah.

“Dacaayadda annaga waa nalooga badiyay, sababtoo ah nimankan style ayay sameeyeen meelo aduunyada kamid ah ayay koobiyeyeen” ayuu yiri Macallimuu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Al-Shabaab ay xoogooda isugu gaysay gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah goobaha laga sheegay Shidaalka, isla markaana uu ku wajahan qorshaha dowladda ee ku aadan sahminta iyo qodistiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this