Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan BF oo digniin adag u direy dowladda Xasan – Maxaa lagu haystaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda maamulka Jubbaland ayaa maanta si adag u cambaareeyay tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo halis ku ah nabadda iyo xasiloonida gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay ku sheegeen in Dowladda Federaalka ay si bareer ah u hurinayso xiisado siyaasadeed iyo amni oo halis gelinaya deegaanka.

Sida ay xildhibaanadu sheegeen, Dowladda Federaalka ayaa si toos ah u adeegsanaysa awood ciidan si ay uga hortagto maamulka Jubbaland iyo nidaamka dowladnimo ee deegaankaas ka hana qaaday.

Waxay arrintan ku tilmaameen duullaan lagu hayo shacabka Jubbaland, taas oo ujeedadeedu tahay burburinta nidaamka maamul ee deegaannadooda.

Fara-gelinta ciidanka iyo dastuur jabinta

Xildhibaanadan oo tiradoodu dhan tahay 32, waxay sheegeen in dowladda dhexe ay ku kacday falal ay ku tilmaameen ciqaab wadareed, oo ay ka mid yihiin siyaasadeynta deeqaha caalamiga ah, iyo xadgudubyo baal marsan Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka.

Waxay carrabka ku dhufteen in faragelin joogto ah lagu hayo maamulka Jubbaland, taas oo ay ugu wacan tahay hanjabaado iyo amarro aan sharciyad lahayn oo ka imaanaya madaxda sare ee dowladda.

War-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in falalka noocan ah ay si toos ah u dhaawacayaan nidaamka federaalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanadu waxay hoosta ka xariiqeen in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay joojiso faragelinta militariga, kana fogaato ficillo keeni kara kala fogaansho iyo xasarado cusub.

Sidoo kale, xildhibaanadu waxay ka digeen in la diro guddiyo aan dastuur waafaqsanayn oo loo soo diro gobolka Gedo. Waxay sheegeen in guddiyadaasi ay horseedi karaan qalalaase cusub oo dhaawici kara nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Xasuusina ayay u jeediyeen dowladda in ay qaadan doonto mas’uuliyadda wixii ka dhasha tallaabooyinka aan laga fiirsan.

Xildhibaanada ayaa fariin gaar ah u diray shacabka Jubbaland, iyagoo ugu baaqay in ay garab istaagaan maamulka Jubbaland, iskuna duubnaadaan si loo sugo amniga loona ciribtiro khatarta Alshabaab.

Waxay sheegeen in xasiloonida deegaanka ay tahay mas’uuliyad wadaag ah oo ay tahay in dadku kaalin muuqata ka qaataan.

Ugu dambeyn, xildhibaanadu waxay ugu baaqeen Beesha Caalamka in ay si dhow ula socoto dhaqanka madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan Jubbaland.

Waxay sheegeen in la joogo xilligii beesha caalamka ay si cad u muujin lahayd mowqifka ay ka taagan tahay xadgudubyada Dastuurka iyo hurinta colaadaha cusub ee dalka ku sii baahaya.

Bayaan1.jpg?resize=660%2C874&ssl=1 Bayaan2.jpg?resize=660%2C846&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this