Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh SHARIIF oo baaq culus u diray Soomaalida kadib dhacdadii maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa bogaadiyay guusha ay geesiyaasha xoogga iyo dadka deegaanka ka gaareenka dagaalka

Shariif ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in dagaalka kooxaha argagixisada looga hortago midnimo iyo wadajir, isahoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay garab-istaag buuxa u muujiyaan geesiyaasha xoogga iyo deefegaanka ee iska diiday gabood-fallada kooxahaan caadeystay daadinta dhiiga shacabka.

“Waxaan halkaan farriin boggaadin ah uga dirayaa geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka oo saakay si geesinimo ah leh uga jawaabay,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu maanta soo saaray.

Hoos ka aqrisi qoraalka oo dhameystiran:

Waxaan halkaan farriin boggaadin ah uga dirayaa geesiyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka oo saakay si geesinimo ah leh uga jawaabay, kagana hortagay duullaanka nafle-caariga ahaa ee kooxda argagixisada Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Waxaan sidoo kale naxariista Ebbe u rajaynayaa halyeeyada ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee ka socda qaybo badan oo dalka ka mid ah, anigoo u duceynaya kuwa ku dhaawacmay iyagoo u dagaalamaya sharafta, karaamada iyo difaac dalkooda.

Argagixisadu, waxay khatar ku tahay jiritaanka dowladnimada, horrumarka iyo xasilloonida guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Waxaa dhammaanteen waajib nagu ah in looga hortago midnimo iyo wadajir islamarkaana garab-istaag loo muujiyo Ciidanka Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ee iska diiday gabood-fallada kooxahaan caadeystay daadinta dhiiga shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this