Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo ku kacaya $1 bilyan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa booqasho rasmi ah oo shan maalmood qaadatay ku jooga dalka Shiinaha waxa uuna halkaas kula saxiixday heshiis istiraatiijiyadeed oo qiimihiisu gaarayo $1 bilyan.

Heshiiskan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyadoo xoogga la saarayo mashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah. Waxaa si gaar ah loo eegi doonaa horumarinta warshadaha, kor u qaadidda wax-soosaarka beeraha, iyo kobcinta dalxiiska.

Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo shaaciyay Arbacadii, waxaana uu si gaar ah u taageerayaa Barnaamijka Isbeddelka Dhaqaale ee Kenya ee loo yaqaan “Bottom-Up Economic Transformation Agenda (BETA)”.

Barnaamijkan ayaa ah mid madaxweyne Ruto ku doonayo in uu dhaqaale ballaaran ku dhiso lagana faa’iideeyo ilaha gudaha ee dalka Kenya, iyadoo loo marayo iskaashi caalami ah oo la taaban karo.

Madaxweyne Ruto, oo khudbad ka jeediyay magaalada Beijing, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal ka dhexeeya. Wuxuu xusay in mashaariic badan oo uu Shiinuhu maalgeliyay ay wax weyn ka beddeleen dhaqaalaha Kenya.

Tusaale ahaan, wuxuu si gaar ah u tilmaamay tareenka xawaaraha dheereeya (SGR), dekedda Lamu, iyo wadada casriga ah ee Nairobi Expressway.

Sida uu Ruto sheegay, Kenya waxay kamid tahay Barnaamijka Belt and Road Initiative (BRI) ee ay Shiinuhu hoggaamiso, waxaana la dareemayaa miro-dhalka barnaamijkaas. Isku xirka laga gaaray gobolka Geeska Afrika, sida tareenka ka socda Mombasa ilaa Naivasha iyo xarunta shidaalka ee Mombasa, ayaa ka mid ah guulaha la taaban karo ee laga gaaray iskaashigaas.

Maxaa lagu heshiiyay?

Waxaa lagu heshiiyay in in ka badan $950 milyan oo kamid ah lacagta la saxiixay lagu maalgeliyo dhinacyada muhiimka ah ee mudnaanta u leh Kenya. Warshadaha ayaa helaya $320 milyan, taas oo lagu dhisi doono xarumo wax-soo-saar iyo kobcin farsamo.

Dhanka beeraha waxaa la gelinayaa $430 milyan si loo kordhiyo wax-soosaarka iyo badbaadinta cunnada. Halka dalxiisku helayo $230 milyan oo loogu talagalay in lagu kobciyo adeegyada dalxiiska iyo soo jiidashada Kenya.

Booqashada Madaxweyne Ruto ayaa ah tiisii saddexaad ee uu ku tago Shiinaha tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, taasoo muujinaysa sida uu uga go’an yahay in uu sii xoojiyo xiriirka Nairobi iyo Beijing.

Booqashadan ayaa kusoo beegantay xilli isbeddello waaweyn ay ka socdaan is xulufeysiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee caalamka, taasoo ay Kenya dooneyso in aysan ka hariin.

Ruto waxa uu caddeeyay in Kenya diyaar u tahay in ay ka faa’iideysato saaxiibtinimada ay la leedahay Shiinaha si loo dardargeliyo qorsheyaasha horumarka.

Wuxuu sheegay in saaxiibtinimadan aysan aheyn mid cusub balse ay tahay mid soo jireen ah oo u baahan kobcin dheeraad ah si ay u gaarto yoolalka cusub ee Kenya hiigsanayso.

Mashaariicda cusub ee la maalgelinayo ayaa lagu wadaa in ay si toos ah uga qeyb qaataan shaqo abuurka, gaar ahaan dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la filayo in ay kor u qaadaan dakhliga dalka.

Sidaas darteed, heshiisyadan waxay u muuqdaan kuwo si toos ah u saameyn doona nolosha muwaadiniinta caadiga ah.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale diiradda saaraysa in maalgashiyadan ay noqdaan kuwo waara, iyadoo laga fogaanayo deyn xad-dhaaf ah.

Tani waxay muujinaysaa taxaddarka dowladda ee ku aaddan in is-dhexgalka caalamiga ah uu noqdo mid dheellitiran, horumarka ka dhashaana uu ahaado mid bulsho ahaan loo wada dareemo.

Si kastaba, booqashada Ruto ee Shiinaha iyo heshiiska la gaaray ayaa muujinaysa sida dowlad goboleedyo Afrika ku yaalla ay uga faa’iideysan karaan iskaashiyo dhaqaale oo miisaan leh si ay u gaaraan horumar waara, loogana dhabeeyo himilooyinka horumarineed ee qaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this