Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo walaac xooggan ka muujisay Aqoonsiga NIRA oo dowladda Soomaaliya ku xirtay gargaarkii bini’aadanimo

Recommended Posts

Deeq A.   
800px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_

Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa walaac xooggan ka muujisay wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga DFS ee (NIRA), kuwaasi oo ku saabsanaa soo jeedin ah in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs), islamarkaana gargaarka bani’aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer federaal ah. 

“Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay ka muujinaysaa walaac weyn oo ku saabsan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), kuwaasoo ku saabsanaa soo jeedin ah in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) isla markaana gargaarka bani’aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer federaal ah.”

“Soo-jeedimahani waxay si toos ah uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka (FMS), kuwaasoo si cad masuul uga ah diiwaangelinta iyo maaraynta dadka ku sugan dhulkooda. Isku day kasta oo lagu baabi’inayo awoodahaan waa mid hoos u dhigaya qaab- dhismeedka dawladnimo ee ku saleysan federaalka ee ku xusan Dastuurka KMG ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland.

Dowladda Puntland, waxay sidoo kale Warsaxaafadeedkan ku caddaysay Mawqifkeeda ku aaddan go’aanka wadajirka ah ee SoDMA iyo NIRA ku siyaasadaynayaan Gargaarka bini’aadanimo, waxaana ay si cad u diiday isku day kasta oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku siyaasadaynayso Gargaarka bini’aadanimo iyo Kaalmada Caalamiga ah.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

FB_IMG_1745476650511.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1745476655612.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Puntland oo walaac xooggan ka muujisay Aqoonsiga NIRA oo dowladda Soomaaliya ku xirtay gargaarkii bini’aadanimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this