Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska dalka Australia oo toogasho ku dilay wiil Soomaali ah iyo cadho weyn oo ka dhalatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay xus ka dhacay galbeedka magaalada Melbourne dalka Australia kadib markii boolisku toogasho ku dileen wiil Soomaali ah, habeenkii Khamiista ee xaafadda Footscray.

Ku dhowaad 200 oo qof ayaa isugu yimid waddada Nicholson ee bartamaha Footscray, iyaga oo sita boorar ay ku qoran yihiin “Nolosha madowgu waa muhiim” isla markaana dalbanaya in la helo taageero dheeraad ah oo dhinaca caafimaadka maskaxda ah.

Boolisku waxay toogasho ku dileen Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdifaatax Axmed, kadib markii lagu eedeeyay inuu mindi ku weeraray saraakiisha.

Berhan Ahmed, oo ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in deegaanka uu u baahan yahay taageero dhinaca caafimaadka maskaxda ah halkii boolis lagu soo diri lahaa.

Booliska ayaa sheegay in rabshad dhacday intii lagu guda jiray isu soo baxa, taasoo ay ku lug lahaayeen ilaa 30 qof oo dhalooyin ku tuuray saraakiisha.Cidna lama xidhin, mana jirto cid ku dhaawacantay dhacdadaas, sida ay boolisku sheegeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this