Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Turkiga 90% qaadanaya faa’iidada ka soo baxda shidaalka uu ka baadhayo xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ku cad nuqulka heshiiskii ay wada galeen dawladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, 90% waxa loo ogolaaday in dawladda Turkigu qaadato faa’iidada ka soo baxda shidaalka uu ka baadhayo xeebaha Soomaaliya halka dawladda Soomaaliya loo ogol yahay in la siiyo 5% kaliya oo ah khidmad ka soo gaadhaysa Khayraadkeeda la soo saarayo. Sidoo kale dawladda Soomaaliya haba yaraatee lama siin xaqul qalin iyo lacagihii hor dhaca ahaa ee heshiiska taas oo ka dhigan in ay Soomaaliya ogolaatay in Turkiga lacag la’aan heshiiskan loogu saxeexo. Turkiga ayaa ah cidda keliya ee xaqa u leh in ay dhoofiso shidaalka laga soo saarayo Soomaaliya, loomana ogola in ay dawladda Soomaaliya arrimahaas wax go’aan ah ku yeelato. Haddii labada dhinac isku khilaafaan heshiiska, waxa gartooda qaadaysa dawladda Turkiga gaar ahaanna maxkamadda Istanbul, loomana ogola Soomaaliya in ay dalkeeda ka furato wax dacwad ah! Sidoo kale Turkiga ayaa yeelan doona ciiddamada ilaalinaya goobaha shidaalka laga qodayo, ama laga dhoofinayo taas oo meesha ka saaraysa ciiddamada Soomaaliya ee hawshan shaqa abuurka ka heli lahaa. Heshiiskan oo dhacay sannadkii hore waxa xusid mudan in ay Baarlaamanka Soomaaliya ansixiyeen iyaga oo aan si dhab ah u arag qodobadii heshiiska kuwaas oo hadda bannaanka u soo baxay!

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this