Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cirro oo sheegay in la dhamaystiray wejigii hore qiimeynta ee dhismaha Dekedda Lughaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in la dhamaystiray wejigii hore qiimeynta ee dhismaha Dekedda Lughaya, taas oo u gogol xaadhaysa “deked ganacsi oo laga hirgeliyo degmada qadiimiga ah ee Lughaya”.

Madaxweyne Cirro oo axaddii khudbad ka jeediyey barlamaanka ayaa sheegay in hawsha dhismaha dekedda Lughaya wejigeedii hore ee qiimaynta la dhameeyey “Waxa aanu dhammaystirnay wejigii qiimaynta ahaa ee dhismaha dekedda Lughaya, taas oo dhabbaha u xaadhaysa in aynu mustaqbalka ka dhigno xuddun muhiim ah oo ganacsi” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Khubaro dhinaca dhismaha ah oo ka socday wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland, ayaa dhawaan tegay Lughaya, iyaga oo halkaas ku soo sameeyey qiimeyn la xidhiidha buqcadda ku haboon ee laga dhisi karo Dekedda Lughaya.

Cismaan Daahir Jaamac, oo ka mid ah odayaasha Lughaya oo la socday khubaradan ayaa u sheegay BBC-da in kooxdan Injineerada ah ee ka socotay Somaliland ay qiimeeyeen goobo badda saaran, si ay u eegaan meesha ugu haboon ee laga dhisi karo Dekedda. “Kooxdan qiimeynta waday Magaalada labada dhinac ee bariga iyo Galbeedkaba way eegeen oo ay qiimeeyeen. sidoo kale gudaha badda iyo beriga way cabireen, waxaanay noo sheegeen in ay u socdeen sahminta goobta laga dhisayo Dekedda Lughaya” ayuu yidhi Cismaan Daahir.

Sidee ayey Degmadani mar u noqotay xuddunta xiisadii ka dhalatay Isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya?
Degmada Lughaya waa magaalo xeebeed qadiimi ah, waxay ka tirsan tahay Gobolka Awdal, waxa ayna dhacdaa xeebaha dhinaca Galbeed ee Somaliland ee gacanka Cadmeed, iyada oo ku taala afaafka laga galo marin-biyoodka istiraatijiga ah ee Bab-el-Mandeb.

Lughaya, waxa ay xudun u noqotay xiisaddii ka dhalatay isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya wada gaadheen kowdii Janaayo ee 2024-kii, markaas oo labada dhinacba ay sheegeen in ay isku afgarteen in Itoobiya la siiyo marin-badeed 20 kiilomitir ah oo laga kiraynayo muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somaliland siinaysay aqoonsi.

Iyada oo wakhtigaasi su’aal ka taagnayd goobta marinka baddeed laga siiyey Itoobiya, ayaa taliyaha Sirdoonka Itoobiya Ridwaan Xuseen, oo wakhtigaas ahaa la- taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu waraysi uu siiyey warbaahinta dowladda ee Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) ku sheegay in goobta ay Somaliland heshiiska ku gashay ay tahay Lughaya oo ka tirsan Gobolka Awdal, taas oo xilligaas dhalisay dareenno kala duwan oo ka imanayey bulshada gobolka Awdal iyo dad kale.

Inkasta oo xiisaddii dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay isfahamkii Hargeysa iyo Addis Ababa ay hoos u dhacday ka dib wada hadallo uu Turkigu gadhwadeen ka ahaa oo lagu dhex dhexaadiyey Soomaaliya iyo Itoobiya, haddana weli dawladda Itoobiya si cad uma sheegin in ay ka noqotay is-afgaradkaas.

Dhinaca kale, Xukuumadda Madaxweyne Cirro ayaa ilaa iminka ka hadal halka uu ku dambeeyey isfahamkaasi, ay Xukuumaddii hore ee Muuse Biixi la gashay Itoobiya.

Lughaya

Xigashada Sawirka,Wikipedia

Maxay muhiim u tahay in Lughaya dekedda laga dhiso?

Sida uu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, oo ka faallooda arrimaha ganacsiga baddaha iskaga gudba, waxa dhismaha Dekeddani wakhtigan muhiim u yahay marka laga yimaado baahida dadka Gobolka Awdal, in sidoo kale Itoobiya adeegsan karto, isticmaalka dekeddo kala duwan, ayagoo muhiim u arka.

“Kobaca dhaqaalaha ee Itoobiya samaynayo marka la eego, waxa ay u baahan yihiin dekedo dheeri ah oo ay isticmaalaan, marka aan sidaas leeyahay macnuhu maaha hal deked ayey u baahan yihiin ama laba dekeddood ayey u baahan yihiin, marka Maadaama Somaliland ay xuduud dheer la leedahay Itoobiya, Lughaya waxa ay noqon kartaa dekedaha ay adeegsato ee ugu dhow, maadaama ay wax ka yar boqol Mayl u jirto jidka tareenka iyo laamiga ee dalka Itoobiya, gaar ahaan Magaalooyinka Diridhaba iyo Mooja”.

Cabdiraxmaan Maxamed, waxa kale oo uu sheegay in waxyaabaha muhiim ka dhigaya dhismaha dekedda Lughaya ay tahay in ay hore u ahaan jirtay deked dabiici ah, taas oo ay doonyuhu ku soo xidhan jireen, isaga oo sidoo kale xusay in ay muhiim u tahay kobaca dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan Gobolka Awdal.

Maxay dadka Deegaanku ka yidhaahdeen dhismaha Dekedda Lughaya?

Cismaan Daahir Jaamac, oo ka mid ah odayaasha Lughaya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku rejo weyn yihiin in qorshahan laga midho dhaliyo, inkasta oo xusay in aanay ahayn markii u horreysay ee hindisaha Dekeddu bilaabmay, oo hore loo dhagax dhigay wakhtigii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siillaanyo “Markii hore dadka deegaanka ayaa waday in la dhiso, laakin imika waa markii u horreysay ee Dawladdu balanqaado, waxaanan rejaynayaa in la dhiso, kalsoonina waan ku qabaa, oo sidii dawladihii hore uma rejo xumi, waayo balanqaadaydii uu Madaxweynuhu sameeyey qaar badan ayuu fuliyey, tanna inuu fulinayo ayaan ka filaynaa”.

Sidiiq Muuse, oo isaguna ka mid ah dadka Reer Lughaya ayaa BBC-da u sheegay in hirgelinta Dekeddaas ay qayb weyn ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha ee Gobolka Awdal iyo ka Degmada Lughaya “Haddii la hirgeliyo dhismaha Dekedda Lughaya waxay noqon kartaa mid wax weyn ku soo kordhisa bulshada gobolka Awdal iyo degmada Lughaya, waxay noqon karaa il dhaqaale iyo shaqo abuur ay helaan dadka degmada ku nool” ayuu yidhi Sidiiq Muuse.

Inkasta oo ay dadka deegaanku rejo ka muujiyeen, haddana waxyaabaha caqabada ee deegaankaas ka jira waxa ka mid ah dhinaca waddooyinka, taas oo caqabad ku noqon kara dhismaha Dekedda iyo shaqadeedaba.

Maaha markii u horreysay ee arrinta ku saabsan dhismaha Dekedda Lughaya laga hadlo, balse waxa jirtay wakhtigii Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siillaanyo, in halkaas laga dhagax dhigay dhismaha Dekeddaas, taas oo aan hirgelin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this