Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta ciidanka Turkiga loogu soo daabulayo Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 500 oo askari oo Turki ah ayaa toddobaadkan soo gaaray caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo Soomaali ah iyo diblumaasiyadeed shisheeye, waxaana ciidamadan keentay diyaarad military oo ay leedahay dowladda Qatar.

falanqeeyayaasha gobolka ayaa arrintan ku tilmaamay in Ankara ay xoogga saarayso in amniga Geeska Afrika ay saameyn xooggan ku yeelato, waxayna ilo xog-ogaal ahi sheegeen in ciidanka Turkigu Soomaaliya keenayo la filayo inay gaaraan ilaa 2000 oo askari, kuwaas oo ka qeyb-qaadanaya sugidda amniga mashaariicda uu dalkaasi Soomaaliya ka fulinayo oo ay ku jirto dhismaha goob laga diro dayax gacmeedyada.

Sidoo kale xoogaggan ayaa taageero siin doona ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, balse dowladaha faraha kula jira arrimaha Soomaaliya sida Imaaraadka iyo Mareykanka ayaa walaac xooggan ka qaba dhaqdhaqaaqa militari ee Turkigu ka wado Soomaaliya.

Turkigu wuxuu Soomaaliya ku leeyahay saldhig weyn oo lagu carbiyo ciidanka Soomaaliya, wuxuuna tababar iyo qalabaynta ku biritaaraa ciidanka GORGOR oo kamid ah cutubyada ugu tayada feecan xoogga dalka, halka Imaaraadku uu tababar iyo qalab siiyo xoogga PMPF ee Puntland iyo RRU-da Soomaaliland oo labaduba aan dowladda Soomaaliya ka amar qaadan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this