Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Suuriya oo xirtay laba sargaal oo ka tirsan kooxaha wax iska caabinta falastiiniyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka Suuriya ayaa TV-ga Aljazeera u xaqiijiyay in la xiray labo hogaamiye oo ka tirsan guutada Al-Qudus ee taabacsan kooxda Islamic Jihaad, kuwaas oo ku sugnaa magaalada Dimishiq.

Labadan masuul kamid ah ayaa falastiiniyiinta u qaabilsanaa Suuriya, uu ka tirsanaa guddiga isku dubaridda kooxaha wax iska caabinta, Guutada Al-Qudus ayaana dalbanaysa in dowladda Suuriya ay sii deyso saraakiishaas.

Ilaa hadda dowladda Suuriya faahfaahin kama bixin sababta xarigoodu uu ku yimid, waana markii ugu horraysay oo Dimishiq lagu xiro xubno ka tirsan kooxaha falastiiniyiinta taniyo markii xilkaas laga tuuray Bishar Al-Asad dabayaaqadii sanadkii tagey.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this