Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qasriga madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha xariirka kubadda cagta Jamhuuriyadda Jabuuti 

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka aanu walaalaha nahay Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Mudane Suleemaan Xasan Waaberi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida Qarankeenna ugu faraxsan yahay ka mid noqoshada xubinnimada FIFA ee Jabuuti, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay is-dhaafsiga khibradaha xiriirka noocyada kala duwan ee ciyaaraha.

Kulanka uu madaxweynaha la yeeshay Mudane Suleemaan Xasan Waaberi waxaa ku weheliyay wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Gudoomiyaha xiririirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this