Sign in to follow this  
Deeq A.

FIQI oo meesha ka saaray in Al-Shabaab ay qabsan karto Xamar hal sabab darteed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diiday suurtagalnimada in kooxda Al-Shabaab ay qabsan karto magaalada Muqdisho, iyadoo arrintaasi ku saleynayaysa horumar ay sheegtay in laga sameeyay dagaalka lagula jiro kooxdaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay si weyn u dhimmeyn awooddii kooxda.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dagaalka socda uu horseeday isbedel muuqda oo ku yimid dareenka shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadku hadda ay kalsooni buuxda ku qabaan in la jebin karo Al-Shabaab, isla markaana ay sameeyaan tallaabooyin aysan horey ugu dhiiran jirin.

Sida uu sheegay wasiirka, waxaa jirta faham qaldan oo ku saabsan awoodda kooxda, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in xilligan la joogo ay jiraan dad wali rumeysan in Al-Shabaab ay qabsan karaan caasimadda. Wuxuu arrintaasi ku sifeeyay mid ka fog xaqiiqda dhabta ah ee dhulka ka jirta.

Wasiir Fiqi wuxuu tusaale u soo qaatay sida dadka Soomaaliyeed ay uga falceliyeen guulaha laga gaaray Al-Shabaab, isagoo sheegay in dhawaan magaalada Baydhabo lagu arkay dad tiro badan oo isu soo baxay si ay u muujiyaan taageeradooda kadib markii halkaas la keenay meydadka xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la dilay.

Wuxuu sheegay in falcelintaas shacabka ay caddeyn u tahay sida dadku ugu dhiiradeen taageerada dowladdooda iyo sida ay u dareemeen in la joogo xilligii la ciribtiri lahaa kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaateynaya shacabka.

Intaa waxaa dheer, Wasiir Fiqi wuxuu si cad u sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo kooxaha Daacish ama Al-Shabaab, inta ay jiraan ciidamada geesiyaasha ah ee difaaca dalka iyo shacabka u taagan.

Sida uu hadalka u dhigay Wasiirku, Al-Shabaab waa koox carruurta u adeegsata falal naxdin leh sida isqarxin, taas oo ay tahay mid laga xumaado in dad waaweyn ay rumaystaan in koox sidaas ah ay qabsan karto dal dhan oo leh ciidan iyo shacab u diyaarsan difaacooda.

“Waa wax suurtagal aheyn in ciyaal gaajeysan oo sidii bamkii isku qarxinaya in dad waaweyn ku fekaraan iney dalka qabsan karaan waa wax yaab leh,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu si gaar ah ugu bogaadiyay guulaha la gaaray iyo dadaalka ay ciidamada wadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this