Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjoogayaal iyo Shabaab badan oo lagu dilay Kaam-jaroon

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo qorsheysnaa ayaa si gaar ah uga dhacay galbeedka geegaanka lagu magacaabo Kaam-jaroon ee gobolkaasi, waxaana lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah.

Ciidamada isbaheysanaya ayaa beegsaday fariisimo ay Khawaarijta ku lahayd halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaaa sheegay inay ka adkaadeen Al-Shabaabkii ay la dagaalameen, isla markaana ay guul ka gaareen howlgalka ay maanta qaadeen, iyaga oo xusay inay jab ku gaarsiiyeen Argagixisada.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay illaa 9 xubnood oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda, halka la dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale, xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo kasii wadaan aagga deegaanka Kaam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose oo ay indhowaanahaan ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ujeedka howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshe ay Jubbaland ku dooneyso inay ku xoreyso deegaanno dhaca Jubbooyinka oo haatan ay ka waddo dhaq-dhaqaaqyo culus.

Jubbada Hoose ayaa waxaa deegaanno ka mid ah maamula kooxda, halka ay sidoo kale si buuxdo u wada haysto gobolka Jubbada Dhexe ee maamulka Jubbaland, halkaas oo ay mararka qaar ka dhacaan dagaallo xooggan iyo duqeymo diyaaradeed intaba.

Si guud, waxaa dalka uga socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana si gaar ah xooggiisa looga dareemayaa gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay isugu tageen maleeshiyaadkii ugu badnaa kuwaas oo dib u qabsaday deegaanadii horay looga saaray.

Si kastaba, dowladda dhexe oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah ayaa hadda wada qorshayaal guud oo ay uga hortageyso is ballaarinta Al-Shabaab, waxaana socda isbeddal xagga ciidamada ah iyo hoggaanadooda, si loo dardargeliyo dagaalka socda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this