Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shuruud adag ku xirtay ka qeyb-galka Axmed Madoobe ee shirka madasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uusan ka qeyb-geli karin shirka madasha wadatashiga ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda ayaa ku xirtay Axmed Madoobe ka laabashasa doorashadii muranka dhalisay ee ka dhacday Kismaayo. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu casuumay madaxda dowlad-goboleedyada, marka laga reebo Madoobe.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka, General Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe aysan waafaqsaneyn dastuurka iyo xeerarka dalka, isagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan lagu dhisin hab-raac sax ah.

Wasiir Fartaag wuxuu si toos ah u caddeeyay in ka qeyb-galka Axmed Madoobe ee madasha siyaasadeed uu ku xiran yahay inuu si rasmi ah uga laabto doorashadaasi, taasoo ay dowladda federaalka horey ugu sheegtay in aysan aqoonsaneyn.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee qorshuhu yahay in lagu qabto nidaamka qof iyo cod. Wuxuu sheegay in lix degmo oo ka tirsan gobolka Gedo iyo labo degmo oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose laga qaban doono doorashooyin.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda federaalka ay u diyaar garowday qabashada doorashooyinkaasi, xitaa haddii ay jiraan caqabado siyaasadeed oo kaga imaanaya maamulka Jubbaland ama hoggaankiisa.

Wasiirka ayaa xusay in haddii Axmed Madoobe uu si cad uga hor yimaado in doorasho lagu qabto magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, ay dowladda qaadayso tallaabooyin kale oo ay doorashooyinkaasi uga fulin karto deegaanada kale ee gobolka Gedo.

Hadalkan ayaa muujinaya mowqifka adag ee dowladda federaalka ka qaadatay arrimaha Jubbaland, gaar ahaan ku aaddan doorashooyinka iyo ka qeyb-galka shirka madasha, taasoo markale dib u muujineysa kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee u dhaxeysa Villa Somalia iyo maamulka Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this