Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka laamiga degmadaas, gaar ahaan meel u dhaw Masjidka Muumino Ceelbuur, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid nooca miinada ah oo lagu aasay meel u dhow maqaayad yar oo lagu cabo shaaha, taasoo ku taalla dhabarka laamiga, goobtaas oo ay inta badan ku kulmaan dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka seddex kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, sida ay sheegayso xogta hordhaca ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay dad shacab ah ku sugnaayeen maqaayadda, taasoo keentay in dhaawaca uu inta badan saameeyo dadka aan waxba galabsan. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay qeybo badan oo degmada ah.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa u dhaweyd meel ciidamada ammaanka ay ka wadeen baaritaanno, taasoo keentay in la tuhmo in qaraxa uu bartilmaameedsaday dhaq-dhaqaaqa ciidamada amaanka.

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda ee ku saabsan cidda ka dambeysay qaraxa, balse waxaa filayaa in saacadaha soo aadan faahfaahin soo saaran.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this