Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gacanta ku dhigtay doon sidda Soomaali iyo Ajaaniib

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo weli howlgallo culus kasii wada gobolka Bari ayaa maanta gacanta ku dhigay doon sidda dad isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, xilli ay mareysay xeebaha gobolka Bari ee maamulkaasi.

Doonta ayaa lasoo wariyay in shidaalka uu ka go’ay, waxaana kadib sidaas ku qabtay ciidamada ilaalada xeebaha Puntland, xilli ay ku sugneyd deegaanka Bacaad ee gobolka Bari.

War kooban oo kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in haatan laamaha ammaanka Boosaaso ay baaris ku hayaan doonida iyo dadka la socda oo ay ku jiraan carruur yar.

“Boosaaso waxa baaritaan ku socda doon iyo dadkii ay waday oo Ciidanku ka qabteen iyagoo Shidaalku ka go’ay aaga biyaha -deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari, dadka saarna waa Soomaali iyo Ajaanib , waxaa ku jira caruur yaryar” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in baarista marka ay dhamaato la shaacin doonto natiijada waxa ay tahay doontan iyo Ajaaniita la socota intaba.

Puntland ayaa si weyn uga feejigan dadka soo galayo deegaannadeeda ee u badan Ajaaniibta, maadaama ay dagaal adag kula jirto Daacishta ee ku sugan buuraha Bari.

Dagaalka oo haatan galay marxaladdiisa ugu dambeysay, gaar ahaan gabagabada wajiga saddexaad ayaa guullo waa wayn laga gaaray, waxayna ciidamadu gaareen illaa togga Miraale oo ahayd xarunta ugu weyn ee Daacish ee gobolka.

Togga Miraale ayaa horey u ahaa mid adag in la galo, iyadoo ciidamada ay la kulmeen caqabado dhanka deegaanka ah iyo dhufeyso adag oo ay sameysteen kooxda Daacish. Balse, ciidamada ayaa si taxaddar leh u wajahaya howl-gallada ilaa ay ugu dambeyn gudaha u galeen.

Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay inuu marayo gebagabo, isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this