Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo wafdi culus u dirtay Mareykanka + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Mareykanka, waxaana hoggaaminayo wasiirka maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige, kaas oo gaaray magaalada Washington DC ee dalkaasi.

Ujeedka wafdiga Soomaaliya u tageen Mareykanka ayaa ah ka qayb-galka shirka xilliga gu’ga SpringMeetings2025 oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiir Biixi waxaa safarkan ku wehlinayo xubno metalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, wasaaradda qorsheynta qaranka, bangiga dhexe iyo hey’adda warbixinnada maaliyadda, kuwaas oo inta au joogaan Mareykanka sameyn doono dadaallo dheeraad ah.

Sidoo kale waxa ay kulamo hordhaca ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada hay’adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.

Kulamada gaar gaarka ah ee dhacay ayaa ujeedkeedu ahaa sidii dowladda Soomaaliya ay miiska wada-hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad-cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay hey’adaha caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.

Wasiir Biixi oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa dhankiisa sheegay in kulamada hordhaca ah ee uu la qaatay wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.

Soomaaliya ayaa fursad muhiim ay u tahay ka qayb-galka shirka xilliga gu’ga SpringMeetings2025 ee ka dhacaya Mareykanka, maadaama ay kasoo qayb-galayaan madax kala duwan iyo hay’ado waa wayn oo ay bandhigeyso qorshayaasheeda muhiimka ah.

Dowladda Federaalka oo muddooyinkan horumar wayn ka sameyneysay la macaamilka saaxibada caalamka ayaa haatan dooneyso inay dhaqaalaha iyo maalgasha ay sii hormariso, si loo helo kobac dhaqaale oo wayn iyo fursado kale oo muhiim ah.

Marar badan ayay Soomaaliya xaadirtay shirar noocaa oo kale oo isla qabteen Hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka oo si weyn taageero u siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.

491936081_1194119569421314_1694934429218 491970044_1194119599421311_1279234074725 492002727_1194119572754647_1087581628340 492199198_1194119556087982_5441061015811

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this