Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Madaxweyne Deni oo qiratay in ay qeyb ka tahay colaadda Somaliland iyo SSC-khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
1745236206999.jpg?resize=720%2C638&ssl=1

Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni oo tan iyo bilowgii kacdoonkii Laascaanood sheegaysay in aysan marna qeyb ka noqon colaaddii SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa maanta markii u horraysay qiratay in ay weli ku lug lee dahay colaadda ka taagan degaanka Buqdharkayn.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu shakhsiyan qeyb ka ahaa dagaalkii u danbeeyay ee Ramadaantii ka dhacay Buqdharkayn islamarkaana uu ku biiriyay 400 oo askari iyo 31 gaadiidka dagaalka.

“Dagaalkii u danbeeyay ee Buqdharkayn waxaan subaxii labaad geeyay 400 oo askari iyo 31 gaadiidka dagaalka waxaana Suxuurtii maray magaalada Laascaanood” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.

Dhinaca kale, Wasiir Caydiid oo ay warbaahintu weydiisay su’aal ku saabsan Aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Maamulka SSC-khaatumo ayaa diiday in uu caddeeyo mowqifka Xukuunadda Siciid Deni ee ku aaddan Aqoonsiga Khaatumo.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Madaxweyne Deni oo qiratay in ay qeyb ka tahay colaadda Somaliland iyo SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this