Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqaalihii lagu bixin jiray Horumarinta Caafimaadka Puntland oo hoos u dhacay 65%

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1745313786160.jpg?resize=720%2C48

Xukuumadda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii caalamku ku ka bijirey horumarinta adeegyada caafimaadka ee degaamada Puntland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qorsheel ayaa sheegay in dhaqaalihii lagu bixin jirey caafimaadka Puntland uu hoos u dhacay boqolkiiba 65%, taasina ay sababtay in la waayo adeegyada qaar.

Wasiirka ayaa ugu baaqay khuburada arrimaha caafimaadka iyo cilmibaarista inay keenaan xal kama dambays ah oo lagu buuxinayo kabka dhaqaale ee maqan, si adeegyada caafimaadka loo gaarsiiyo goobaha u baahan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa shalay Garoowe ka furay shirweyne looga arrinsanayo maalgashiga adeegyada caafimaad ee Puntland, kadib markii ay kordheen cabashooyinka baahiyaha caafimaadka oo Puntland looga aado dalka dibaddiisa.

PUNTLAND POST

The post Dhaqaalihii lagu bixin jiray Horumarinta Caafimaadka Puntland oo hoos u dhacay 65% appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this