Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo digniin u diray dalalka heshiisyada la galaya Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shiinaha ayaa ka digay inay ka falcelin doonaan dalalka heshiisyada dhaawacaya danaheeda la galaya Maraykanka, iyada oo dagaal ganacsi oo u dhaxeeya labada dal ee ugu tunka weyn dhaqaalaha uu gooddin ku yahay dalalka kale ee caalamka. Falcelinta ayaa imaanaysa ka dib warbixinnada qorshayaasha Maraykanka ee uu ku cadaadinayo dowladaha inay adkeeyaan ganacsiga ay la leeyihiin Shiinaha si iyaguna u helaan in laga dhaafo canshuuraha Maraykanka. Maamulka Trump ayaa bilaabay wadahadal dhanka canshuuraha oo bahwadaagta ganacsiga, iyada oo wafdi ka socds Japan ay toddobaadkii aynu soo dhaafnay booqdeen Washington, iyada oo Kuuriyada Koonfureed lagu wado inay wadahadalo bilowdo asbuucan. Tan iyo ku soo laabashadiisii Aqalka Cad ee bishii Janaayo, waxaa uu Trump canshuuro xooggan saaray waxyaabaha Shiinaha u soo dhoofiyo dalkiisa, taasi oo si la mid ah dalal kale oo caalamka ay si xooggan u saameysay baddeecooyinkooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this