Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay maaddada ku jirta bariiska ee laga digayo inay kansar sababto?

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariiska ayaa ah cuntada ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan balaayiin qof oo dunida ku nool, dadka qaarkiisna ay u isticmaalaan xitaa si ka badan qamadiga iyo galleyda, balse cilmi baaris cusub ayaa daaha ka qaaday in qiyaasta maaddada halista ah ee Arsenic ee bariiska ku jirta ay kordhi karto isbedelka cimilada darteed.

Haddii aad u itsicmaasho bariiska nooca Biryani ama Pulao oo aad cuntid bariis ugu yaraan laba ama saddex jeer usbuucii, markaa maqaalkani adiga ayuu kugu saabsan yahay.

Saynis yahano ayaa daaha ka qaaday daraasad cusub oo ku saabsan bariiska: Marka qiiqa kaarboonka iyo heerkulka caalamku kor u kaco, sidoo kale waxaa laga yaabaa in ay kor u kacaan qadarka walxaha arsenic ee bariiska ku jira.

Ku jhiritaanka maaddada arsenic ee bariiska ayaa muddo dheer dhibaato ahayd, waxaana laga helaa ku dhawaad dhammaan noocyada bariiska.

Arsenic waxay si dabiici ah ugu dhalataa ciidda iyo biyaha waxayna noqon kartaa sun.

Cilmi-baarayaasha adduunka ayaa ku hawlan sidii ay u yarayn lahaayeen xadiga arsenic-ka ee bariiska ku jira

Xigashada Sawirka,Getty Images

Inkasta oo xaddiga maadada arsenic ee ku jira bariiska laga yaabo inuu aad uga hooseeyo ama xitaa marar badan ka sarreeyo xadka ay dejiyeen hay’adaha sharcigu, xitaa xaddi aad u yar oo arsenic ah oo ku jira shay cunto ama biyaha la cabbo ah waxay keeni kartaa cuduro kale, oo ay ku jiraan kansarka iyo macaanka.

Cilmi-baarayaasha adduunka ayaa ku hawlan sidii ay u yarayn lahaayeen xadiga arsenic-ka ee bariiska ku jira, laakiin waxa kale oo jira habab badan oo bariiska loo kariyo kuwaas oo meesha ka saaraya maaddadan waxyeelada leh.

Laakiin daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaaday in dhibaatadani ay sii weynaan karto isbeddelka cimilada awgeed.

Cilmi-baarayaashu waxay koriyeen 28 nooc oo bariis ah afar goobood oo kala duwan oo Shiinaha ah muddo 10 sano ah. Waxay ogaadeen in kororka heerarka kaarboon laba ogsaydh iyo heer kulka jawiga ay sidoo kale kordhiyeen xaddiga maaddada arsenic ee bariiska.

Cilmi-baarayaashu waxay ku qiyaaseen in kororka heerka arsenic ee bariiska uu keeni karo kororka kiisaska cudurka kansarka ilaa 20 milyan gudaha dalka Shiinaha oo keliya.

Biyaha la cabo ka sokow, isha ugu weyn ee arsenic ee adduunka oo dhan waa bariiska

Xigashada Sawirka,Getty Images

Inkasta oo cilmi-baarayaashu ay diiradda saareen goobo ku yaal Shiinaha oo ay ku tijaabiyeen, haddana waxay sheegeen in saamaynta noocan oo kale ah ay sidoo kale u badan tahay in lagu arko bariiska laga beero Yurub iyo Maraykanka sababtoo ah maaddada arsenic ee aan dabiiciga ahayn ayaa ku badan bariiska laga beero adduunka oo dhan.

Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in arsenic ay ku jirto biyaha dhulka hoostiisa gobollo badan. Tusaale ahaan, 2.1 milyan oo qof oo ku nool Maraykanka ayaa caba biyo leh heerar halis ah oo maadada arsenic ah, halka qiyaastii 140 milyan oo qof oo adduunka ah ay cabbaan biyo leh heerar arsenic ah oo ka sarreeya tilmaamaha WHO ay ku talisay.

Biyaha la cabo ka sokow, isha ugu weyn ee arsenic ee adduunka oo dhan waa bariiska.

"Dib-u-eegis cusub oo ay samayeen Maamulka Ilaalinta Deegaanka ee Maraykanka (EPA) ayaa muujisay in arsenic ay aad uga awood badan tahay inay keento kansarka si ka badan sidii horey loo rumaysnaa,"

Xigashada Sawirka,Getty Images

Welwelka khubarada caafimaadka ayaa ah, marka cilmi-baarisyo badan lagu sameeyo arsenic, waxa sii badanaya waxyeelada ay u leedahay dadka.

“Dib-u-eegis cusub oo ay samayeen Maamulka Ilaalinta Deegaanka ee Maraykanka (EPA) ayaa muujisay in arsenic ay aad uga awood badan tahay inay keento kansarka si ka badan sidii horey loo rumaysnaa,” ayuu yiri Kevin Nechman, oo ah barfasoor wax ka dhiga jaamcadda Caafimaadka Dadweynaha ee Johns Hopkins Bloomberg.

Hadda waxa jira caddayn ah in arsenic ay kordhiso khatarta kansarka maqaarka oo keliya laakiin sidoo kale kansarka sambabada iyo kaadi heysta. Kansarka ka sokow, arsenic waxa kale oo ay kordhisaa halista cudurrada wadnaha iyo macaanka.

Qaadashada badan ee maaddada arsenic ee haweenka uurka leh waxay sidoo kale kordhisaa halista dhimashada dhallaanka, iyo sidoo kale khatarta ah in ilmuhu ku dhashaan miisaan yar.

Khataruhu waa ay ku kala duwantahay dadka. Tusaale ahaan, dib u eegista EPA waxay ogaatay in soo-gaarista maalinlaha ah ee 0.13 micrograms ee maaddada arsenic ay tahay halkii kiilogaraam oo miisaan ah, ama 7.8 micrograms oo arsenic ah maalintiiba qofka 60-kg ah, waxay kordhisaa khatarta kansarka kaadi heysta qiyaastii boqolkiiba saddex iyo khatarta cudurka macaanka boqolkiiba hal.

Haddaba ka sokow dhimista qiiqa kaarboonka iyo sare u kaca heerkulka, maxaa kale oo la samayn karnaa si aan uga fogaano khatarta arsenic?

Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale sameynayaan tijaabooyin ku saabsan heerarka biyaha iyo hababka isticmaalka ee loo baahan yahay in lagu beero bariiska.

Xigashada Sawirka,Getty Images

“Kaliya ma joojin karno cunista bariiska,” ayuu yiri Professor Nechman. “Suurtagalna ma aha.” “Intaa waxaa dheer, bariiska waa cunto aad muhiim ugu ah dadka saboolka ah, sababtoo ah qaarkood waxay ka helaan bariiska dhammaan kalooriinta, laakiin waxa aan u baahanahay in aan sameyno wax ka duwan sidii aan wax uga qaban lahayn dhibaatadan.

Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale sameynayaan tijaabooyin ku saabsan heerarka biyaha iyo hababka isticmaalka ee loo baahan yahay in lagu beero bariiska.

Tusaale ahaan, halkii si joogto ah looga waraabin lahaa beerta bariiska, habka biyaha qayb ahaan loo waraabiyo, ka dibna mark aay biyuu ka dhamaadaan oo ay engagto in dib loo waraabiyo ayaa la isticmaalaa. Habkani wuxuu sida muuqata hoos u dhigayaa heerka arsenic laakiin wuxuu kordhiyaa maaddada cadmium, taas oo ah khatar aad u weyn.

Maaddada Cadmium waxay saameyn xun ku leedahay jirka bini’aadamka waxayna sababi kartaa kansarka naasaha, sambabada, iyo keliyaha, iyo sidoo kale cilladaha ku yimnaada beerka.

Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale sameynayaan tijaabooyin ku saabsan heerarka biyaha iyo hababka isticmaalka ee loo baahan yahay in lagu beero bariiska.

Tusaale ahaan, halkii si joogto ah looga waraabin lahaa beerta bariiska, habka biyaha qayb ahaan loo waraabiyo, ka dibna mark aay biyuu ka dhamaadaan oo ay engagto in dib loo waraabiyo ayaa la isticmaalaa. Habkani wuxuu sida muuqata hoos u dhigayaa heerka arsenic laakiin wuxuu kordhiyaa maaddada cadmium, taas oo ah khatar aad u weyn.

Maaddada Cadmium waxay saameyn xun ku leedahay jirka bini’aadamka waxayna sababi kartaa kansarka naasaha, sambabada, iyo keliyaha, iyo sidoo kale cilladaha ku yimnaada beerka.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in sidoo kale ay jirto xiisaha taranka noocyada bariiska ee nuugaya maaddada arsenic ee aan organic-ga ahayn. Maadaama noocyada bariiska qaarkood ay uruursadaan arsenic yar, waxaa sidoo kale jira xiiso loo qabo beeristooda.

Xalka kale ayaa noqon karaa in lagu daro waxyaabo bacrimin ah biyaha, taas oo nuugi karta arsenic. Hab kale ayaa noqon kara in lagu daro noocyada bacriminta qaarkood beerashada bariiska.

Hal waddo ayaa noqon karta in bariiska lagu beero biyaha roobka, ama meel ay ku yar tahay maadada arsenic ee biyaha.

Bariiska ka yimaada Bariga Afrika oo lagu beero biyaha roobka ayaa si gaar ah ay ugu yartahay maaddada arsenic, halka bariiska laga keeno Maraykanka, Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika, Koonfur Bari Aasiya, Yurub iyo Australia uu leeyahay heerar sare oo arsenic ah.

Xigashada Sawirka,Getty Images

Bariiska ka yimaada Bariga Afrika oo lagu beero biyaha roobka ayaa si gaar ah ay ugu yartahay maaddada arsenic, halka bariiska laga keeno Maraykanka, Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika, Koonfur Bari Aasiya, Yurub iyo Australia uu leeyahay heerar sare oo arsenic ah.

Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka ayaan hadda la socon xaddiga arsenic ee bariiska ku jira, balse waxa ay u dejisay 0.1 mg halkii kiilo oo bariis ah carruurta. Sannadka 2023, Midowga Yurub ayaa xaddiday 0.2 mg halkii kiilo ee arsenic ee bariiska ah, halka Shiinuhu uu soo jeediyay xad la mid ah.

Laakin talooyinkani ma tixgelin in bulshooyinka qaar ay cunaan bariiska aad uga badan kuwa kale.

Haddii aad rabto in aad cunto bariis oo aad sidoo kalena dooneysid in aad iska ilaaliso maaddada arsenic si shakhsi ah, waxa aad samayn kartaa adiga oo beddela habka aad u kariso bariiska.

Hay’adda kormeerka Cunnada ee UK waxa ay ku talisaa in bariiska la dhaqo ka hor inta aan la karin, ka dibna lix jeer la karkariyo biyaha la isticmaalo marka la karinayo bariiska.

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale dhawaan daah furay hab lagu karsado bariiska kaas oo 50% ka saari kara maaddada arsenic bariiska bunniga ah iyo 74% bariiska cad.

Waxay ku taliyeen in bariiska lagu dhaqo biyo hore loo karkariyey shan daqiiqo ka dibna laga daadiyo, ka dibna lagu daro biyo cusub bariiska laguna kariyo kulayl yar ilaa uu ka gursado dhammaan biyaha.

Bariiska laga keeno Maraykanka, Yurub, iyo Koonfur Bari Aasiya waxaa ku jira arsenic aad u badan, halka bariiska Bariga Aasiya ay ku jiraan wax ka yar

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this