Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsato lagu dilay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Fiidnimadii xalay ayaa laba nin oo ganacsato ahaa lagu dilay degmada Bursaalax ee gobolka Mudug, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo.

Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Burhaan Xaashi, oo ahaa maareeyaha shirkadda Golis ee degmada Bursaalax, iyo Mahad Sayuun, oo ahaa ganacsade caan ah oo deegaanka si weyn looga garanayo.

Dilka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ciddii ka dambeysay falkaas.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in raggani la beegsaday xilli ay ku sugnaayeen gudaha degmada, waxaana dilkooda si weyn u gilgiley bulshada ku nool Bursaalax.

Burhaan Xaashi ayaa ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay magaalada, isagoo muddo dheer maamulayay xafiiska Golis ee Bursaalax.

Lama oga ilaa hadda cidda fulisay weerarka, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ama maamulka gobolka. Xaaladda magaalada ayaa noqotay mid kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen cabsi laga qabo in dilkan uu horseedo falal kale oo la xiriira aargoosi iyo colaad beeleed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this