Xudeedi Posted August 4, 2010 Gabay: Faroolow waxaan kaaga digi – Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) Aniga oo ah Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) waxan idiin soo gudbinayaa gabay aan u dirayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole. Gabaygan waxan tiriyey ka dib dagaallada ka aloosmay Puntland, kuwaasoo la qaboojiyey oo odayaasha degaanku u guntadeen, laga soo yaabo inay dib u qarxaan. Waxa xusid mudan in Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya hub iyo saanad u soo dirtay maammulka Garoowe. Waxan uga digayaa madaxweyne Faroole shirqoolka lala doonayo in Puntland lagu dumiyo. Gabaygiina sidan buu ku bilaabmayaa: Akhris/dhegesi wanaagsan. Faroolow waxaan kaaga digi dabin colaadeede Dayaca koonfureed buu Shariif soo dawinayaaye Daabbaddaa la soo raray Hartaa lagu dubaaqayne Dulmigiyo inkaarada ka carar nabaddu waa doore Duullaan Galgala lagu baxshiyo damaca hoos yaalla Duhur weerarkaa shalay Caddaa loogu daw galaye Dambas lama dugsado iyo walaal dooxatada jaane Duufaankii Xamar baaba’shay kugu dagaayaane Dambiishiyo dhitada kuu dedane darinta kuu yaalla Doobigaaga buuxaa nin kale daadi leeyahaye Dalkeennaa barwaaqada ahee beeshu wada daaqdo Dambaaburiyo olol lagu shidaa loo dan leeyahaye Puntland duruufaha jiriyo xaalkan degi waayey Doorroone oday iyo waxgarad laysku wada duubay Isin daadahshoo nabadda jira kuma dedaaleene Dulqaadka iyo gobannimadu waa dhaxal da’weynaaye Atam iyo dariiqada Galgala maaha deyn qolo’e Alshabaabna duub uma xidhine daacaddii qire’e Degaankiisii buu doonayaa inuu difaacdaaye Haddaan lays dafirihayn cid kale dooxya muu geline Afartaasi waa dood oon furay deelka maansada dheh Dawan nabad ku baaqiyo wanaag deeqsi hadalkii dheh Dawaaraha israaciyo murtida dadab dhiggeedii dheh Afarkalena daabaan gobeed dacawigeedii dheh Dadku waa dad nabadeed haddaan laysku dirahayne Dalku waa dal nabadeed Buntlaan oo is daasade’e Waa tol isu daacada hadday dani timaaddaaye Hoggaankii laguu doortaybaan xil u dedaadalayne Dawlad inaad hagtaa bay ahayd dalal heshiisaane Dummaddaada Soomaalinnimo wada dabiibtaaye Danyartii kolkaad didisey iyo maato kula deyra Damacaaga laga yaab haddaan lasku diganayne Dalku waa dal khayraadka yaal deeqo aadmiga’e Darkase lama wadaagine bahdaa baa duxdii cunaye Dulmi niman tirsanyoo wax badan samir ku daadduumay Dibindaabyo inaad ugu dartaa ma aha dawgaayee Nin damiirle lama soo shireen muusannow darane Dadweynaha mindiyo uma direen la isku dooxaaye Dabka iyo madaafiicda ba’an uguma diiqiine Dafaar uguma baaqeen inay Dhahar duqeeyaane Dabaabdaha iyo xoogganaad Laag u daabulaysid Dooyada aad Eyl, Garacad iyo Gaalkacyo u doontay Kalluun dabatadii kolay ku tahay daafta Bari joogay Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) Email: mabdalle@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted August 4, 2010 audio link http://www.laasqoray.org/press/?p=7375 Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted August 4, 2010 Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid wallaahi waa hadal Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted August 5, 2010 Dabaabdaha iyo xoogganaad Laag u daabulaysid Dooyada aad Eyl, Garacad iyo Gaalkacyo u doontay Kalluun dabatadii kolay ku tahay daafta Bari joogay Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid lol>> Hadal xikmad leh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted August 5, 2010 Nin damiirle lama soo shireen muusannow darane Dadweynaha mindiyo uma direen la isku dooxaaye Dabka iyo madaafiicda ba’an uguma diiqiine Dafaar uguma baaqeen inay Dhahar duqeeyaane Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted August 5, 2010 Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid Faroole haa loo sheego Nin Kuu Digey Kuma Dilin, lakiin Faroole waa Fool waxba fahmimaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted August 5, 2010 Dayaca koonfureed buu Shariif soo dawinayaaye Ma Alshabaab baa sharif noqday. This should read Dayaca koonfureed buu shabaab soo dawinayaaye. Where is Attam in the poem the man who brought alshabaab to Galgala. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2010 ^ ^ Atam iyo dariiqada Galgala maaha deyn qolo’e Alshabaabna duub uma xidhine daacaddii qire’e Degaankiisii buu doonayaa inuu difaacdaaye Haddaan lays dafirihayn cid kale dooxya muu geline Quote Share this post Link to post Share on other sites