Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Bardaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Bardaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa deegaanka uu ka socdo bannaanka kore ee degmada Bardaale ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka ay soo weerareen fariisimo ay Daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin duleedka degmadaas, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa rasaasta si xoogleh looga maqlayaa gudaha Bardaale, taas oo keentay xaalad kacsanaan iyo cabsi soo wajhaday dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama weli uu ka socdo aagga degmada Bardaale oo marar badan ay ku dagaalameen labada dhinac.

Ciidamada deegaanka oo horay looga saaray gudaha magaalada ayaa haatan doonaya inay dib u qabsadaan, waxaana maalmihii dambe ay dhaq-dhaqaaqyo culus iyo abaabul ka wadeen bannaanka kore ee magaalada, iyaga oo kadib saaka soo qaaday weerar culus.

Sidoo kale, maleeshiyaadka hubeysan ayaa horay u xanibay gaadiidkii soo geli jiray magaaladaas, taas oo caqabad ku noqotay shacabka iyo mas’uuliyiinta ku sugan halkaasi.

Dagaalka u dhexeeyo Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa marar badan kusoo laa laabtay Bardaale, wuxuuna salka ku hayaa tabasho dhanka maamulka ah oo in muddo soo taagneyd, taas oo ugu dambeyn isku rogtay gacan ka hadal.

Xiisaddan ayaa uga sii dareyso xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed oo haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay muranka doorashada iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Khawaarijta ayaa culeys ku haysa deegaannada maamulkaasi, waxaana dhowaan ay weerar culus ka fulisay inta u dhexeysa Baydhaba iyo Deynuunaay, inkastoo ay dagaalkaasi ka hortageen Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ciidanka Xoogga dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this