Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo badan oo Turkish ah oo diyaarado lagu keenay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo dagay diyaarado milatari oo sida ciidamo Turkey ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan oo gaaraya illaa 500 oo askari ayaa laba diyaaradood lagu keenay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidamada Xoogga dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadan ay hordhac u yihiin ciidamo kale oo kasoo socda dalka Turkiga, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa 2,500 oo askari.

Ujeedka ugu wayn ee ay Ankara usoo daabuleyso ciidamadan ayaa lagu sheegay inay gacan siiyaan dowladda federaalka, ayna ka qayb qaataan howlgallada xoreynta iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan imaanshaha ciidamadan cusub oo qalabkooda uu u dhameystiran yahay, balse waxay kusoo aadayaan, xilli xasaasi ah oo ay garab istaag u baahan tahay Soomaaliya.

Horay Turkiga ayaa Soomaaliya usoo gaarsiiyay diyaarado dagaal oo casri ah, kuwaas oo haatan ka qayb-qaata weerarada cirka ah ee lagu beegsado maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo door wayn ka qaatay howlgallada haatan ka socda gudaha dalka.

Waxaa kale oo uu Turkiga taageero milatari oo isugu jiro tababar iyo qalab uu siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo haatan ku tirsan xukuumadda Ankara.

Si kastaba, Bishii July ee sannadkii hore ee 2024, Baarlamaanka Turkiga ayaa meel-mariyay mooshin uu saxiixay Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo ogolaanaya in ciidamo militari loo diro Soomaaliya muddo laba sano ah, kuwaas oo haatan soo daad-gureyntooda ay bilaabatay, kadib markii la keenay 500 oo askari.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo dagaal, waxaana ay wajaheysa halista Al-Shababa oo culeys xoogan soo saartay deegaannadii horay looga xoreeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this