Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ka cusub dilka khabiirka amni ee lagu khaarajiyay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (Caasimada Online) – Faarax Caydiid Jaamac (Bariis) oo shalay meydkiisa laga soo saaray dooxadda Goojacadde, kaasi oo si arxan darro ah loo dilay, ayaa waxaa soo baxeysa shakiga in dilkan ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdullaahi Xirsi Dheere oo ka hadlay dilkan ayaa si cad ugu eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso dilka sarkaalkan ka tirsanaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Maydka Faarax Bariis ayaa laga helay duleedka magaalada Laascaanood, halkaas oo uu ku sugnaa maalmo ka hor dilkiisa. Intii uu halkaas joogay, wuxuu mar la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, General Asad Diyaano.

Xeer Ilaaliyaha SSC ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si gaar ah ula socotay dhaq-dhaqaaqa sarkaalkan, maaddaama uu xubin ka ahaa sirdoonka Itoobiya.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Faarax horey uga badbaaday weerar hore oo ay kooxdaasi la beegsatay. Warbixinta xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Faarax Caydiid uu horay uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse uu kasoo goostay, arrintaasna ay sababtay in si gaar ah loogu bartilmaameedsado.

Wuxuu sidoo kale beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in lagu dilay magaalada Garoowe, kadibna meydkiisa la keenay magaaladaasi Laascaanood.

Cabdullaahi Xirsi Dheere ayaa sheegay in xogta rasmiga ah ee ay hayaan ay caddeyneyso in sarkaalkan lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood, kadibna maydkiisa loo qaaday duleedka magaalada. Wuxuu xusay in telefoonadiisii gacanta laga qaatay markii la dilay.

“Xogta aan hayno waxay muujinaysaa in sarkaalkan lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood, kadibna maydkiisa loo qaaday duleedka magaalada, waxaana laga qaatay 2 mobile,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Wuxuu intaa ku daray in Faarax uusan si gaar ah isu ilaalin intii uu joogay Laascaanood. “Anigu waxaan aaminsanahay in ninkan si dhow loola socday. Markii uu halkan yimid, aad buu isu dhigtay, ma ahayn qof aad u feejigan,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in xaaladda magaalada aysan ahayn mid sahlan.

Dilka Faarax Bariis ayaa noqonaya kiiskii ugu horreeyay ee si rasmi ah loogu eedeeyo kooxda Al-Shabaab inuu ka dhacay gudaha Laascaanood tan iyo markii laga saaray magaaladaas maamulka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this