Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND oo si adag ugu jawaabtay DF kadib eedeyntii xad-gudub qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga jawaabay eedeyn ay maanta u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo la xiriirtay aqoonsiga cusub oo uu maamulka bilaabay.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhawaan ku dhowaaqay dhismaha hay’adda aqoonsiga Puntland (PID), tan oo dowladda dhexe u aragto mid uu ka garab dhisay hay’adda qaran ee NIRA, ayna si weyn uga carootay

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta war-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in tallaabada uu qaaday Deni ay tahay mid baalmarsan qaanuunka dowladnimada, uuna ku kacay xad-gudub qaran oo wayn.

Ujeeddada dhismaha hay’adda Pantland ayey wasaaraddu ku sheegtay mid uu Saciid Deni ku carqaladeynayo aqoonsiga qaran ee dowladda federaalka oo uu haatan kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo xooggan.

Jawaabta Puntland

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay inuu sameysto nidaam aqoonsi u gaar ah, maadaama uu nidaamka federaalka u ogolaanayo arrintaasi. Puntland waxay sidoo kale dowladda dhexe ku eedeysay in shaqada hay’adda NIRA ay tahay mashruuc.

“Dowladda Federaalka waxa u banaan in ay samayso Baasaboor keli ah kumana haysano, Aqoonsiyada kale waa shaqada dowlad-goboleedyada,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Cabdinuur.

Wasiirka ayaa waxa uu intaas kusii daray: “Aqoonsiga ay hadda Villa Somalia la wareegayso waa mashruuc iyo ganacsi shacabka lagu furanayo.”

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Dirir oo sidoo kale ka jawaabay bayaanka kasoo wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay wax aan waaqic ku dhisneyn, isagoo xoojiyay in xaq u leeyahay maamulkooda bixinta aqoonsi.

“Xamar labadii irridood baa laga fadhiyaaye, Soomaali ha isa soo gaadho. Puntland aqoonsigeeda wey samaysanaysaa oo xaq ayey u leedahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland ayaa horey diiday kaarka aqoonsiga hay’adda NIRA ee dowladda federaalka, iyada oo xittaa ka hortimid dhismaha hay’addan, waxayna kadib sameysatay hay’ad gaar ah, oo u qaabilsan bixinta aqoonsiga maamulka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this