Suldaanka Posted January 9, 2005 Horseedka Horumarka iyo Aasaaska Bilicda Somaliland Markii aan Somaliland tegay waxaan mudadii ugu badnayd deganaa Maan Soor Hotel, Hargeysa. Maan Soor Hotel waxa laga dhisay meeshii la odhan jirey Sheedda una dhow meesha loo yaqaan “Xero Awrka.†Markii aan Maan Soor tegay waxa maskaxdayda ka guuxayey macaamil xumadii iyo adeeg daradii aan kala kulmay diyaaraddii Star Airlines ee aan Dubai ka soo raacay iyo maamulkii Berbera Airport oo dadkii halkaas ka soo degay dhibaato aad u xun marsiiyey. [Maan-Soor Hoteel, wejiga hore] Inkasta oo ay weli wejigayga cadhadii Berbera Airport iga soo raacday ka buuxday oo aanan wax Soomaaliyi maamusho rajo weyn ka qabin, waxaa markii aan shandadihii soo degsadayba aad iiga cajebiyey shaqaalihii Maan Soor Hotel oo si xad-dhaaf ah iigu soo dhoweeyey weji furan, ixtiraam iyo gacaltooyo. Waxa la ii qaaday shandadihii, waxaana markiiba la ii horkacay madashii (reception) soo dhoweynta martida oo laba inan oo aad u weji furani soo taagan yihiin; “walaal soo dhowoow ayaa markiiba la igu yidhi.†Waxaa markiiba la ikala doorsiiyey qolalkii martida, iyada oo weliba la i weydiiyey in aan jeclahay dhinaca fooqa sare ama taxadka. Markiiba yididiilo ayaa i gashay, niyaddana waxa aan ka idhi “war ileyn weli dhulka dad wanaagsan ayaa jooga†Waxyar ka dibna waxa aan doortay qolkii aan degi lahaa. [siciid Cabdiqaadir Xaashi, Maamulaha Maan-Soor Hotel] Run ahaantii markii aan qolkii tegay waxa igu dhacay indho daraandar iyo filanwaa, habka loo qurxiyey, gogley iyo nadaafadda lagu faro yaraystay. Run ahaantiina ma ahayn wax aan ka filayey Afrika oo sida caadada ah adduunka oo dhan uga dambaysa xaggga maamulka iyo maaraynta. Qolalka habka casriga ah ee ugu dambeeyey loo qalabeeyey iyo nadaafadda ka sokoow, dhinac kasta oo aad eegtidba, sida cuntada, ka caawinta martida waxa ay u baahdaan iyo xishmadda iyo maamuuska maamulka sare ee hoteelku martida u hayo; waa wax weyn oo farxad iyo yididiilo gelin kara qof kasta oo dalka iyo dadkaba daneeya. Maan-Soor maaha meel martida ku soo degta keliya loogu adeego ee waxaa maalin kasta ka socda shaqooyin aad u fara badan oo loo qabto dad aan hoteelka deganayn, sida casuumadaha, aroosyada, shirarka iyo tababarada lagu kobcinayo maskaxda iyo garaadka shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah iyo meheradaha madaxa banaan. Waxa kale oo mar walba Maan-Soor ka socdo xaflado yar yar oo ay isu fidiyaan saaxiibada, qaraabada iyo madaxda maamulka dawladda. Waxa kale oo Maan-Soor caan ku yahay kofeega (coffee) casriga ah oo badanaaba loo sameeyo dadka qurbaha ka yimid, ajinebiga hay’adada caalamiga ah u shaqeeya iyo dadka reer magaalka ah ee iyagu cabitaanka kofeega qabatimay. Marka waxaas oo dhan laga soo tago waxa aad iiga cajebiyey shaqaalaha Maan-Soor Hotel oo aan dhihi karo waa hantida ugu weyn ee hoteelku ku faani karo. Laga bilaabo kuwa nabadda suga, soo dhoweynta, makhaayadda iyo kaafateeriyadda, maamulka iyo hablaha qolalka hagaajiya oo aan dhihi karo waxa ay kor u qaadeen sumcadda iyo magaca hoteelka. [Cabdiqaadir Xaashi iyo Shaqaalaha Maamulka soo dhoweynta martida] Mudadii aan Maans-Soor deganaa waxa aanu isbaranay mulkiilaha hoteelka Cabdiqaadir Xaashi Cilmi iyo shaqaalihiisa badankooda. Waxaana run ahaantii aad iiga yaabiyey habsamida maamulka iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya maamulka sare iyo shaqaalaha. Waxaanan dhihi karaa habsamida iyo maamul wanaagga Maan-Soor hoteel waxa uu la tartami karaa hoteelada caalamka ee hore u maray, haddaanuba meelaha qaarkood uga wanaagsanayn. Haddaba markii aan arkay maamul wanaagga Maamulka Maan-soor hotel ayaa waxa igu dhalatay in aan wax ka ogaado taariikhda hoteelka iyo sidii mulkiilaha Cabdiqaadir Xaashi ku hindisay dhismaha iyo maamulka hoteelka. [Cabdiqaadir Xaashi, mulkiilaha Maan-Soor Hotel] Fikradda in uu hoteelka dhiso waxa ay ku dhalatay aakhirkii 1991kii—markaas oo uu u shaqaynaayey shirkadda Kuwait National Petroleum, taas oo uu u shaqaynaayey muddo 30 sano ah. Ka dib markii Sadam Xuseen, madaxweynihii hore ee Ciraaq ku duulay Kuwait, ka dibna Maraykankku ka saaray; xukuumaddii Kuwait markii ay awooddii maamulka ku soo laabatay waxa ay shaqooyinkii ka ruqsaysay dad badan oo aan waddanka u dhalan, sida Cabdiqaadir muddo dheerna ka shaqaynaayey. Nasiib wanaag shirkaddii Kuwait National Petroleum waxa ay Cabdiqaadir u oggolaatay xaquuqdiisii. Arrintaas ayaa Caqdilqaadir ku kaliftay in uu dhulkiisii hooyo dib uga fekero kuna maal geliyo wixii uu kasbaday mudada 30ka sano ah. Cabdiqaadir Xaashi waxa kale oo uu ii sheegay in uu dhulka uu hoteelka ka dhisay qaybtiisii hore iibsaday bishii oktoobar 1992kii, qaybtii labaadna Diseembar 1992kii. Ka dibna waxa uu diyaarinta dhulka, si loo dhiso bilaabay badhtamihii sannadkii 1993kii. Cabdiqaadir waxa kale oo aan weydiiyey – maadaama hoteelku dhul weyn ku fadhiyo sida ay ugu suurto gashay in aan lagu qabsan; ama wax dhibaato ahi uga imaan. Waxa uu iigu jawaabey “sida aynu wada ogsoonahay xilliga aan dhulka iibsaday waxa uu ahaa xilli adag oo nabad gelyadu aad u xumayd maamul dawladeed oo adagina aanu jirin. sidaas darteed, waxa aan ku dedaalay in aan dhulkaas wax khilaaf ahi ka iman dadka iska lihina si wanaagsan iibka iyo la kala wareegaba ugu qanacsan yihiin.†Waxa kale oo uu intaas ku daray in uu dhammaan dadkii jagooyinkaasi ka dhexeeyeen ama u ab-sheeganayey isugu yeedhay; iyadoo weliba qareenno (lawyers) u dhexyihiin, ka dibna halkaas lagu wada qancay. Waxa aan weydiiyey Cabdiqaadir sababta ku kaliftay in uu Maan-soor hotel dhiso, waxana uu iigu jawaabay, “Markii aan dhulka iibsanayey qorshahaygu waxa uu ahaa in aan lacagtayda waddanka ku maal geliyo, hase ahaatee ma hubin meheradda aan lacagtayda gelin doono. Sidaas darteed ayaa waxa aan go’aansaday in aan dhulkii tago 1993 si aan xaqiiqada meesha ka jirta u soo derso. Markii aan waddankii tegay ayaa waxa aan arkay shaqaale badan oo hay’adihii Hargeysa joogay u shaqeeya, hase ahaatee Jabuuti diyaarad kaga soo shaqo taga ka dibna ku laabta.†Cabdiqaadir isaga oo hadalkii sii wata ayaa waxa uu yidhi “ ka dib markii aan dadkii magaalada degganaa weydiiyey sababta shaqaaluhu magaalada u seexan waayeen ee ay la sii caraabayaan, waxa ay iigu jawaabeen…in hoteel wanaagsan oo shaqaalahaasi seexdaan aanu markaas jirin.†Cabdiqaadir waxa kale oo uu is-tusay in iyada oo waqtigaas baahi iyo arrimo badan oo ijtimaaci ahi jireen ay ku haboonayd lacagtaas diyaaradaha Jabuuti loogu raacayey in waddanka gudihiisa lagu “kharash-gareeyo,†taas oo uu xalkeeda u arkayey in hoteel wanaagsan oo ay hay’aduhu isku aamini karaan laga dhiso Hargeysa…halkaas ayuuna Cabdiqaadir fikradda ka qaatay, kuna go’aansaday in uu Maan-soor hoteel dhiso. [Conference Halls, Maan-Soor Hotel] Cabdiqaadir waxa kale oo uu si dheer uga sheekeeyey dhibaatada soo dejinta qalabkii dhismaha, alaabtii lagu qalabayn lahaa hoteelka iyo shaqaale xirfad leh oo dhismaha ka qayb qaata. Helitaanka qalabka dhismaha oo ahaa kii ugu dhibaatada badnaa waxa laga kala keenay wadamada Kuwait, Iraan iyo Imaaraadka Carabta. Cabdiqaadir isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu ii sheegay dhibaatada iyo dib u dhaca ka soo gaadhay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay kuwaas oo caqabad ku noqday soo dejinta qalabka iyo hawshii dhismaha. Inkasta oo dhibaato weyn iyo baqdin fara badaniba ay jireen marnaba dhismaha ma joojin—ayuu Cabdiqaadir yidhi isaga oo hadalkii sii wata. Waxa kale oo Cabdiqaadir ka waramay dhibaatada ka haysatay xagga is-gaadhsiinta (telefoonada) iyo gaadhsiinta lacagta dadkii u shaqaynaayey. “Waxa ay noogu darayd markii ninkii lahaa telefoonkii aanu caalamka kula xidhiidhi jirey uu ula qaxay telefoonkiisii (markii dagaaladii sokeeye sii kordheen) magaalada Gebilay, arrintaas oo nagu kaliftay in haddii aanu telefoon u baahanno in aanu Gebilay u safaro---iyada oo weliba khatar badani jirtay;†ayuu Cabdiqaadir yidhi. Waxa kale oo aan Cabdiqaadir weydiiyey in cid kale dhaqaale ahaan ku caawisay maal gelinta hoteelka baaxaddaas leh, wuxuuna Cabdiqaadir ii sheegay in aan cidina ka caawin maalgelinta ee uu ku maal-geliyey xaqiisii uu ka qaatay Kuwait National Petroleum. Cabdiqaadir waxa kale oo aan weydiiyey sababta uu ugu dhiiraday in uu xaqiisii oo dhan ku maal geliyo meel nabad gelyadeeda shaki weyni ka jiray, wuxuuna iigu jawaabay “dhulkayga oo aan aaminsanaa in aanan ku khasaarayn ayaa iigu wacnaa in wixii aan haystay oo dhan ciiddayda geliyo.†Cabdiqaadir waxa kale oo aan weydiiyey sida magaca Maan-Soor ku yimid iyo sababta uu u doortay magacaas, waxa uuna ku jawaabey “waxa aan ka fekeray magac xaaladda iyo wacyiga waddanku ku sugnaa ka turjumaaya---isla mar ahaantaasna muujinaya rajo iyo yididiilo.†Waxa kale oo Cabdiqaadir ii sheegay in magac bixinta hoteelka ay u saareen guddi metela dhinac kasta oo bulshadu ka kooban tahay sida: aqoonyahanada, culumaa’uddiinka, suugaan-yahanada, curiyayaasha iyo siyaasiyiinta, kuwaas oo magaca ugu fiican ka xulan doona—marka loo soo gudbiyo. Waxaana guddigaas loo sheegay in magaca ay dooranayaan aanu noqon mid hore u jiray ama loo isticmaalay. Waxaana qofka magacaas ku guulaysta la siin doono abaal marin wanaagsan, ka dibna waxa gudigii loo soo gudbiyey ilaa 600 oo magac. Markii muddo dheer gudigii ka doodayeyna waxaa aakhirkii laga soo reebay shan magac oo ay ka mid ahaayeen: Negeeye, Gobsoor iyo Rays. Ugu dambayntiina waxa gudigii isku raacay Gobsoor oo ay u arkeen in uu yahay magacii ugu wanaagsanaa, abaal marintiina waxa la siiyey ninkii magacaas keenay. Arrintu siday doontaba ha ahaatee, markii dambe magacii Gobsoor waa la isku khilaafay, waxana dadka qaarkood is-tuseen in magaca loo turjumi karo in bulshada qaarkeed lagu xaqirayo maadaama erayga “Gob†ay dadka Soomaalida ah qaarkood u yaqaaanaan qabiilada nasabkoodu sareeyo. Cabdiqaadir oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi “maadaama magacii shaki weyni galay ayaanu mar kale isku daynay in magac cusub dib loo raadiyo---nasiib wanaagna waxaa markiiba Maan-Soor soo jeediyey abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi “Xasan Ganey†markii uu Maan-Soor soo bandhigay wuxuu sharxay sababta uu u doortay wuxuuna yidhi “maadaama lagu jirey xilli dhibaato, cabsi, welwel iyo rajo xumo huwan—magacani waxa uu ka turjumayaa mid maskaxda (maanka) iyo garaadka kobcinaya (sooraya), dadkana rajo iyo yididiilo weyn gelinaya kuna dhiiri gelinaya in ay dhulkooda hooyo aaminaan kuna nastaan.†Waxa kale oo Cabdiqaadir intaas ku daray in Xasan Ganey aanu wax abaal marin ah magaca ku qaadan, maadaama uu isagu ka tirsanaa guddigii xulashada magac bixinta. Dhismaha iyo abaabulka Maan-Soor oo dhawr weji ka koobnaa, waxaa qaybtii koowaad oo 12 qol ka koobnayd la furay 1996, ka dibna waxaa si tartiib tartiib ah loogu daray qaybihii kale sida fooqa sare ee hurdada iyo hoolalka (halls) shirarka lagu qabto. Hadddii aad maanta Maan-Soor ku degtid waxa aad dareemaysaa ama aad qiraysaa in uu magaca loo bixiyey si weyn ugu qalmo, soorayona maskax kasta oo nasasho u baahan—qurbaha ha ka timaado ama gudaha ha ku sugnaatee! [Dhirta laga beeray Maan-Soor Hotel ] Cabdiqaadir markii aan la sii sheekaystay waxa kale oo uu ii sheegay in uu hadda gacanta ku hayo hoteelkii labaad oo uu ka dhisayo Xeebta Berbera, kaas oo magaciisu noqon doono Maan-Soor Berbera. Ka dib markii aan su’aalo ka sii weydiiyey taariikhda Maan-Soor Berbera waxa Cabdiqaadir ii sheegay in uu dhulka iibsaday bishii Juulay 2000, ka dibna uu biyo gelinta iyo hagaajinta dhulka uu bilaabay bishii Oktoobar 2003. Dhulka hoteelku ku fadhiyo oo aad u ballaadhan waxa uu ilaa hadda ku abuuray 130 geed oo timir ah iyo ilaa 1000 geed oo ah kuwa sida fiican saxaraha uga bixi kara. Sida Cabdiqaadir ii sheegay Maan-Soor Berbera waxa uu filayaa in dhismihiisu dhammaan doono sanadka 2005, isla sanadkaasna la furi doono. Waxa aan Cabdiqaadir iyo shaqaalihiisa u rajeynayaa guul iyo horumar, run ahaantiina waxa aan si weyn ugu kalsoonahay in Maan-Soor Berbera uu noqon doono mid bila magaalada Berbera oo dhimasho qarka u saaran! Mar aan la kaftamaayey Cabdiqaadir ayaa waxa aan ku idhi “haddii adiga iyo dadka kula midka ah ee baayac-mushtarka ah muujiyeyna maamul wanaagga iyo dedaalka horumarka ku wajahan, maamulka Somaliland loo dhiibi lahaa; wax weyn ayaa xaaladda iska bedeli lahaa.†Hase ahaatee, xaajigu arrintaas ma jeclaaysan! Waxa iyaguna xusid mudan hoteelada kale ee aan tegay sida Ambaasador iyo Burco City Plaza oo ay ka muuqatay qurux casriyeysan, maamul wanaagsan iyo cunto heer sare ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites