Deeq A. Posted Sunday at 03:24 AM Dowladaha Mareykanka iyo Iran oo Wada-hadallo uga socdeen dalka Cumaan ayaa gaaray is afgarad hordhac ah oo bilow u ah heshiis dhammeystiran oo dhinacyadu ay dhowaan wada-gali doonaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Cumaan. Wasaaradda ayaa sheegtay in wada-hadallada labada dal ay u gudbeen heerkii labaad, islamarkaana dhowaan ay kala saxiixan doonaan heshiis gebi ahaanba meesha ka saaraya hubka Nuclear-ka ee ay sameysigiisa ku howlantahay Iran, islamarkaana dalkaas laga qaadi doono dhammaan cuna-qabataynnada saaran. Washington iyo Tehran ayaa u muuqda inay xaaladda dejinayaan ka dib sanado badan oo cadaawad iyo loolan ah, waxaana la filayaa in heshiis ay labadan dal wada-galaani uu wax weyn ka badeli doono xasilloonida gobolka aan deganayn ee Bariga Dhexe Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites