Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wada Dib-u-habeyn Amni: Talisyada Ciidamada oo Isbeddel Lagu Wado

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa jira warar isa soo taraya oo muujinaya in isbeddello waaweyn lagu wado qaab-dhismeedka talisyada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Wararkaasi waxay tilmaamayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu qorsheynayo dib u habeyn ballaaran oo saameyn doonta talisyada kala duwan ee amniga, gaar ahaan ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA).

Wararka hoose laga helayo ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in la qorsheynayo in dib loo soo celiyo jagadii Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo horey loogu bedelay qaab cusub oo aan rasmi ahayn iyadoo shaqadii Abaanduulka loo dhiibay Taliyaha Ciidanka Lugta.

Haddii isbedelkan la hirgeliyo, wuxuu ka dhigan yahay in dib loo soo celinayo nidaamkii hore ee wax ku oolka ahaa ee hogaaminta iyo abaabulka ciidamada xoogga dalka.

Jagadan abaanduulaha ayaa muhiim u ah isku dubbaridka howlaha ciidamada, qorsheynta dagaalka, iyo xiriirka ka dhexeeya hoggaanada ciidamada.

 

Sidoo kale, isbedello ayaa la filayaa in lagu sameeyo taliska booliska gobolka Banaadir, iyadoo warar dhowr ah ay sheegayaan in taliye hore oo khibrad leh dib loogu soo celin doono xilkaas. Tani waxay la xiriirtaa xoojinta ammaanka caasimadda Muqdisho oo ay weli ka jiraan falal amni darro ah, sida Hoobiyeyaal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay caasimadda.

Mid kamid ah isbeddellada ugu saameynta badan ayaa lagu wadaa inuu gaaro hoggaanka NISA, hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka. Wararka waxa ay sheegayaan in ka dhici doono isbeddel ku saabsan hoggaanka.

Saameyntan ayaa lagu micneeyay mid looga gol leeyahay in hay’adda NISA dib loogu habeynayo si ay u noqoto mid la jaanqaada xaaladda amni ee dalku marayo, loogana hortago falalka kooxaha argagixisada iyo faragelinta gudaha iyo dibadda ah.

Isbedelka lagu wado qaab-dhismeedka ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada xoogga dalka, booliska gobolka Banaadir, iyo hay’adda NISA, wuxuu muujinayaa dadaalka Madaxweynaha iyo dowladda dhexe ee lagu xoojinayo amniga dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this