Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Sargaal Itoobiyaan ah oo laga helay degaanka Goojacadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta laga helay meydkiisa magaalada Laascaanood Faarax Caydiid Jaamac, oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ka howlgaleysay Qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee magaalada Garoowe.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in marxuumka laga kaxeeyey gurigiisa oo ku yaalla magaalada Laascaanood xalay fiidkii, iyadoo jirdil ba’an loo geystay ka hor inta aan meydkiisa laga helin banaanka magaalada.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Faarax Caydiid uu si hoose ugu shaqeyn jiray qunsuliyadda Itoobiya, hase yeeshee aanay si rasmi ah dowladda Itoobiya uga hadlin dilkiisa, mana cadda hadafka ama cidda ka dambeysay falkaasi.

Dilka sarkaalkan ayaa abuuray dareen cabsi iyo walaac leh, iyadoo shacabka ku dhaqan Laascaanood iyo deegaannada ku dhow ay is-weydiinayaan sababta loo beegsaday.

Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaatumo weli kama aysan hadlin dhacdadan, taas oo sii kordhinaysa jahwareerka iyo su’aalaha la xiriira cidda mas’uulka ka ah dilka.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la sugayaa warbixin dheeri ah oo ka timaadda hay’adaha ammaanka iyo maamulka deegaanka.

La soco wixii kusoo kordha.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this