Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog xasaasi ah: Gawrac iyo kufsi ka socda Aadan-yabaal + Dadka la beegsanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo Arbacadii qabsatay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas ka geysatay dilal fool xun iyo tacadiyo kufsi iyo dhac isugu jira, iyagoo beegsaday dadkii shacabka ahaa ee la shaqey jiray ciidamada xoogga dalka.

Ugu yaraan sideed qof oo shacab ah oo shan kamid ah ay dumar yihiin ayaa la sheegay inay gowraceen Al-Shabaab, kadib markii ay dumarka kufsadeen oo saacado badan heysteen, sidoo kalena ka dhaceen wax kasta oo ay heysteen.

Dumarka iyo ragga la beegsaday ee ugu dambeyntii Al-Shabaab ay howraceen waa shacabkii ugu dhaqdhaqaaqa roonaa magaaladaas, kuwaas oo Aadan-yabaal ku lahaa maqaayado, goobaha Jaadka lagu iibiyo iyo ganacsiyo kale oo ciidamada muhiim u ahaa, sida goobaha dharka lagu dhaqo iyo geerishyada lagu cilad bixiyo gaadiidka.

Dad xog ogaal ah oo si dhow ula socda musiibooyinka Shabaab ka geysanayaan degmada Aadan-Yabaal ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiraan dad kale oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab, kuwaas oo tacadi iyo ciqaab adduun ay heysato.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay caro badan u qabeen dadka reer Aadan-yabaal oo si weyn u soo dhaweeyey ciidamada dowladda, shacabkii joogay magaaladaas ayey kula dhaqaaqeen aar-goosi toos ah, dumarka ay kufsadeen iyo kuwa ay dileen waxaa la sheegay inay ku jireen kuwo xaamilooyin ah.

Xogta aan heleyno waxay intaas ku sii dareysaa inay jireen dad ku noolaa Aadan-yabaal oo si hoose ula shaqeynayey kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo tiftifay ama far-muqay dadka la shaqey jiray ciidamada dowladda, intii ay joogeen degmada muhiimka ah ee Aadan-yabaal.

Dadkii shacabka ahaa ayaa ka daba cararay ciidamada, halka intii hartay la dhibaateeyey, ku dhawaad 10 qof oo la yaqaan oo ganacsiyo kala duwan ku lahaa degmada Aadan-yabaal ayaa weli gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab, halka sideed kale ay gowrac dhinac kala mareen saacadihii lasoo dhaafay.

Tacadiga waa lagu yaqaanay kooxda Al-Shabaab, balse gabood-fallada ay ka geysteen degmada Aadan-yabaal waxay meesha ka saareysaa balan-qaadkoodii been abuurka ahaa ee “Waan joojinay dilkii shacabka, nabad ayaan kula noolaaneynaa bulshada aan ugu tegeyno deegaanadooda,” inkastoo la ogaa in taasi aysan ka suurtageleyn kooxdaan arxanka daran, hadana midda ay ka geysteen Aadan-yabaal ayaa waano ugu filan qof kasta oo ku fekeray in Shabaab uu ka badbaadayo.

Dadka lagu laayey Aadan-yabaal waxay ahaayeen xubno caan ah oo magaaladaas u dhashay, isla markaana aan isku ogeyn wax dakano ah, balse waxaa loo dilay “Maxaad ula macaamisheen dowladda?” taasi oo tacadi ku ah shacabka, kuna kalifeysa qof kasta in iskiis uu isaga difaaco cadowga Khawaarijta ah ee dalka ku soo duulay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this