Sign in to follow this  
Jacaylbaro

I Still Remember

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-01-26 (Hadhwanaagnews) Taariikhadani waa qeybtii Labaad waxayna xanbaarsan- tahay Duruus loo dhigayo in ay ka Faa’iideeystaan Caruurta Soo goreysa iyo DHalinyarada ku Idhadilaac -saday Qurba Joogta iyo kuwa Calanka Somaliland ku soo barbaaray EE Reer Somaliland . Waana waajib in la Baro Xasuuqii iyo dhibaatooyinkii la soo Maray. In kastoo ay Waayeelku Iska Idho –tirayaan Taariikhdii iyo Dagaaladii ka dhacay Dhulkaas Somaliland 1988 . Waxaadna Ogaataan in aan buugaag la qoro , iyo Qoraalo lagu soo Koobi karin , iyo Suugaan la tiriyo . Xasuuqyadii Dadweynaha loo Geestay Ay ka mid ahayeeyn (GENOCIDE ,MASS GRAVES , TORTURE , DUMPED ) + Boobkii iyo Dhicii lagu Tirtirayey Haybadii iyo Dhaqankii loo Geestay Gaar Ahaan Beelaha ku Abtirsada SHiikh ISXAAQ Bino AXmed (Ilaahay JAnadii ha ka Waraabiyee ) Beelahaas oo ka mid ah Beelaha Degan 6da Gobol EE SLD . Taariikhdani waxay ka hadlaysaa Maanta ( Only ) Weeraradii Diyaaradahii Lagu Rusheeyey Ummadaas Bishii 5 June 1988 ilaa 29 July 1988 .

 

· WEERARKII DIYAARADAHA AY KU SOO QAADEEYN Dawdweynihii Mag/Hargeysa . qeybtii koobaad la soco .

Waad Maqasheeyn Weerarakii In Diyaaradihii Xoogga Dalka Somaliya EE lagu Rusheeyey Dadweynihii Shicibka ahaa iyo Maatidii dhulka loogu soo galay Ee Gobolada SLD 1988 . Markii ay Ciidamadii Dalad Maleeyko Ee SNM ay Hadhcad uu soo Badheedeeyn in ay Weeraro ku kalaa Bixiyeen 1981-1990 Dagaalkii (Face to Face ) via Ciidamadii Xooga Dalka Somaliya intii ka soo Hadhay Dagaaladii lala galay Dawladii Ethoopia iyo Somaliya 1977 . Nasiib daraas markii danbena JANANADii iyo GORNEYLadii Ciidanka Somaliya Hogaaminayey lagu qeyb -saday Derijada Ciidanka Qabiilka iyo Beelo Sanadkii 1979 . .Isla markaasna Taladii loo dhiibay Guul –Wadayaashii iyo Habrihii Durbaanka uu Tumayey Taliskii Hororka Ahaa ee Siyaad

 

Dabadeed Ciidamadii SNM Markii la Holin- waayey Saraakiishii Hogaamineysay Ciidanka SNM oo khibrad ku dagaalamayey ka duwan Saraakiishii Guliyada Jaale Siyaasaad ka soo baxay ..ay weeraro ku Caseeyeeyn. kuna faafeeyn 6da Gobol EE Somaliland isla markaasna ay Meeydkoodii Wadheeyn Ciidamadii ******ta Wadooyinka Magaalooyinka Hargeysa iyo BURco .Nasiib Wanaag waxay Cadhadii - burbureeyn Qalaxadihii Iyo Dhufeys’yadii iyo SANANADII laga taagay dhulkaas Gobolada Waqooyika SLD ee laga Caabudi –jiray Mabaadiidii Taliskii Siyaad bare 1969-1988 iyo Baali-Xooftadii Taliskii Siyaad Bare ay ku Buufiyeeyn Beentaas Somalidii ku dhaqanaa k/Somaliya ay Hadda Gumeystaan gumeysiga Madow EE Ethoopia Uu Hogaaminayo Dawalada Inbigaati Munaafaqa Weyn Jaale Cabdulaahi Abuu Lahab iyo Afrikaanka Arsaaqda uu soo doontay Magaalada Xamar .

 

· NOOCII DIYAARADAHA LAGU GARAACAY UMMADAAS.waxaa ka mid ahaa .

 

1. Sedexe Diyaaradood oo Noocoodu Ahaa MIIG 17 .

2. Labo diyaaradood oo Noodoodu ahaa MIIG 19 iyo Mid MiiG 21 ah .

3. Laba Diyaaradood oo Noocoodu Ahaa Helo Gabtar (HELI-CAPTER) .

4. iyo Diyaaradii (FOOGARTA) EE Qaadi- jirtay Ragaabka Gobolada Somaliya uu kala socda .. oo Markii Danbe 1988 Hubka iyo Saanada ka soo Dal –dali- jirtay Saldhiga Ciidanka Cirka ee BALi Dhoogle , Kismaayo , Beldweyne , Mugug iyo Xerada Afis-Woone ee Xarurunta Dhuuliyayaasha Diyaaradaha laga Maamuli jiray ee Mag/Xamar .

5. waxaana Ka qeyb Weyn ka Qaadatay DIYAARADA BAMBARKA (BOMBER B1-48 ) oo Hareeraha ku Sidatay 4 GANTAAL (MISSILES ) iyo Lix Qunbuladood iyo Qorika Baaska (7.5 Inches //CLP ) uu ka Dhacdo 80 Rasaasha ah ( Per 1 Minutes ) Rasaastaas oo Qudha Jirata Dadka Oradaya , Marka ay Tuurto Qunboladahaas. EGIP-03.

 

Diyaaradaha MIIG- 17 iyo MIIG- 19 - Waxaa lagu Cabeeyaa Sadaxe GANTAAL oo Waaweyn oo Midkiiba yahay 3800 (pounds) iyo Labo yar yar Oo Midkiiba yahay 1500 -1600 .(pounds) Isla Markaasna , waxaay Hoosta ku Siteeyn Qori Laba Dhuumoodka ah oo lagu Cabeeyo 3 Kun oo Raasaas ah iyo 1500 kun oo Geydka uu ah . (5 Inches Clp ) Qorikaasi Diyaarada Saaran Miig 17 Midana Barbar bay uu Ridaa Midna Toos bay Ridaa Marka Ay Cirka ka soo Hoobato ay Meydkooda Wadhaa Dadweyniihii Magaalada Hargeysa Deganaa . Halka ay Diyaaradaha MiiG 19 -21 Israacisaa Gantaalada iyo Raastaa Marka ay Hawada ku jiraan . Si aad uu Fahantaan Anigu Waxaan ka mid Ahaan Jiray Ciidanka Raadarada ee Somaliya ee Haga Diyadahaas 1973-1978 in kastoo aaan Jeelka ka baxay 1981 Sababtoo ah ,waxaan ka soo qeyb qaatay In Qilaabkii ka dhacay Magaalada Xamar April 1978. Waxana ka soo Badbaaday Xasuuqii ka Dhacay Gobolada Waqooyika . Markii Danbena waxaan ka mid ahaa Ururkii IDho BIr ee dhulka joogay Warkana uu soo Tebinayey Dadweynaha iyo Ciidanka SNM .

 

Maalintii iigu Horeeysay oo aan Arko Diyaaradiihii Dhuulaanka ku Soo Qaaday Magaalada Hargeysa iyo Nawaaxigeeda oo aan Markaas Joogay Magalada Hargeysa . waxaan Xasuustaa 11am 5 Juune 1988 Markii hore waxaa soo Duushay Diyaarad Helo Gabtar ah oo ku Wareegaaleysatay 45 Min Hawada Mag/ Hargeysa waxayna soo Hogaamisay laba diyaaradood Miig 17 abaaro 11.55 am oo markii uu horeeysay ay ku Hurgufeeyn Gantaaladii iyo Rasaastii /Suuqa Xaraashka iyo Bacadlaha ee Badhtamka M/Hargeysa . GAntaalkaas iyo Rasaastaasi Waxay Ka- laafteeyn 2.000 Qof oo uu Badnaa Odayaal , Dhalinyaro ,Muruq maal , Dumar iyo Caruur . . Isla Maalintaas Hadana waxaa soo duushay Diyaarad Nooceedu –Yahay Miig 17 . oo la beegsatay Gantaalkii Hore Dooxa (Next Block East) Briijka Hareysa Beertii Ilma Saxardeed iyo Hudheeka Hadhwanaag. Gantaalkii Labaadna waxay ku Tuurtay Xaafaada XAraf , Markii Sadexaadna Isla Maalintaas waxaa Soo Duushay Diyaaradii Sadexaad Miig 19 iyo Miig 21 waxayna Markii Horeba la beegsadeeyn Gantaaladii Xaafada Gol- jano . oo aan Anigu Markaas joogay Markaas ..Xaafaddaas Gol-jano ee Idaadada Hargeysa Hoosteeda . Wuxuuna Gantaalkaas hore kalaaftay 8 Caruur ah iyo Hooyadood iyo Sadex Gabdhood iyo 7 qof oo Ehel yihiin ee ku soo qaxay Gurikaas. Maalintaas Waxaan ahaa Gumadkii Gurikaas Tegay Nasiib Daro Waxaanu soo uruurinay Madaxyadii iyo Lafihii Gubtay oo ku Ridan Jawaano >Dabdeed Waxaanu ku AAsanay North Magalada Hargeysa Aanu Isku Nimi Dadkii Meeydka Magaalada Hargeysa ka soo Uruurinayey intii ay Haleeleeyn ay soo Canbaareeyn Dumarkii Gurmad ka ahaa iyo Dhalinyaro Shandado ku soo Ritay Meydkii Suuqyada Wadhanaa . Maalintaas Dadkii waxaa ku dhacay Argagax Dabadeed waxaaa loo Balamay in la xoojiyo Ciidanka Xaq uu Dirirka ee SNM .waxay Nagu Kaliftay Inaanu ka Tul talaasno Meydhkii Diyaaradu lagu Ruseeyey Ummadaas Dagaalkii la Baxay (Nafar WAlaa MASAR) waxana Ooda Jabsaday Ardeydii ,Dhaliyaradii , Dumarkii iyo Reer Guuraakii .

 

· Weerarkii Diyaaradaha Maalintii Labaad ee Naxrristii ay faraha ka baxday

 

/Next day waxaa weerarka ka soo qaab-Galay Miig 19 – iyo Mid MiiG 21 oo duulaanka ka soo qeyb Dadweynihii Xaafadda Dulbuluq oo 6 GANTAAL ku tuurtay Xaafada Gudhac dheer- iyo Beerihii Qadiimka Ahaa ee Dooxa Magaalada Xareerihiisa iyo Ceelashii laga dhaan jiray Dixda Ma Soo koobi karo dadkii meesha ku dhintay (because Iam Crying ) Markii aan Qorayey Taariikhdan . waxaan ku War Helan Qiiqii iyo uuradii Magaalada Qarqisay waxaa ka lumay Caruurtii iyo Waayeelkii dadkiina Nafta ayaa ku dhigtay Maalintaas Magaalada waxaa lagu Tuuray 220 Gantaal oo Cirka ka soo Dhacayey .

 

· Weerarkii Diyaaradaha Maalintii Sadexaad

Maalintii Sadexaad Waxaa Qeyb ka qaatataday weerarka dadka lagu Xasuuqayey (Diyaarada (Bombarka ) oo dhulka dhitay Dhamaan DAAraaiihii Waaweynaa iyo Xarumihii ay uu soo Qaxeeyn dadweynuhu . Agagaarka Idaacada Hargeysa , Gudhac –Dheer , New Hargeysa , iyo Laba daamood ee North iyo South Eastand West Qubuladii ugu Horeeysay wuxuu ku Habsaday Jeelka Mag/Hargeysa Dabadiisa wuxuuna Kal-faty 45 Qof aan ka xasuusto Qoys 12 qof ahaa Caruurtii , Hoyadood , iyo Abahood . Isla maalintaas waxaa Hawada Werarka ku Jiray Labo Miig 17 ah iyo MiiG 19 oo Magaalada Hareerahda aaga NAASo Hablood , Dhaamka , Masalla ah Xarf , Geed Deeble iyo Abu Reen

Ee Maqaayada INanta .

 

· Gabagebadii Weerarka Diyaaradaha

Mudo Bil iyo 29 Cisho ah aay Garaacayeeyn Diyaaradahaasi , Maalintiiba waxay Sameyn jireeyn Diyaaradaahaasi 19 toban Duulimaad (9am ilaa 5 PM ) Waxaayna khaasro Weyn uu Geesteeyn Xoolilihii Noolaaa ee Reer Guuraaga Nawaaxika Gobolka Hargeysa 200 Miles Sq .ila Xadka Ethoopia iyo Xadka Jabuuti , iyo Gobolka Togdheer iyo Saaxil. Dadka ay Xasuuqiin Diyaaradahaasi waxaay Tiradoodu aheeyd 12 ,753 oo Qof (Only) Magaalda Hargeysa Gudaheeda . Magaalada Debedeed waxaa lagu Qiyaasaa 8 Kun oo Qof /// Tirada Xoolaha Nool ay Rusheeyeeyn Diyaaradaasi Nawaaxigeeda Magaalada Geela 244 ,700 Kun , Adiga 220,2800, Loda 195 kun , Dameeraha 12,00 , Fardaha 728 . Marka Laga Reebo Hantida Burburtay EE Muudka ahaa Sida GUryaha dumay ,Baabuurta , Beeraha , Ceelasha , Bergedaha iyo Tuulooyinka Gubtay . Si aad uu Fahantaan kama Hadlayo Xasuuqii lagu Garacayey Dadkaas Madaafiidii 45 Km iyo Qoryaha BMKa oo Ahaa iyo 12 -24 Dhuumoodka ahaa 60km wax ka dila . Xasuuqa dadka loo geestay iyo HAnti laga Burburiyey iyo Intii la bililiqeystay .Isha Alla Dib ayaan ka soo sheegi doonaa ………………………………………………………..

 

· Aan Dib uu Halacsadee Taariikhadii iyo Sirtii Fashilantay Sunta lagu talo galay in lagu Buufiyo Ummadaas SLD

 

 

Si aad Fahantaan Weerarka ay Diyaaradaha Somaliya ku Kalifay in lagu Garaaco Dadweynahaas Waxaa jirtay War la Ogyahay Anoo ku Hadlaya Ururka Daba kalga Xasuuqkii ???? loo geestay Ummaadaas sld in la helo .waa waajib inta Nool ay ka mid ahayeen Dhiig yacabadiii Xasuuqaas ka qeyb qaatay aan Cidina Dabooli Karin Shakhsiyaadkii geestay Arrintaas Xasuuqaas iyo Arrinta Go’aamiyey in Sunta lugu Buufiyo Gobolada Waqooyika aaan Beelo lagu Aaneeynin . Arrintaasi Waxaay Dhacday Sandkii Jan 29 1986 waxay soo Abaabuleeyn dawladii Taliskii Siyaad Bare in SUNta lagu Cabeeyo Gantaaladaas ay Xanbaasan yihiin Diyaaradahaasi .Gaar ahaan Diyaarada Nooceedu Yahay MIIG -17 iyo MiiG-19 iyo MIIG 21 .Dabadeed lagu Rusheeyo Ummadaas Markii laga yaabay Xaawliga ay ku Socdaan Jabhada SNM .1980-1986 ee Baroosinka dhigtay iyo Wakiilo koonfur Somaliya

// Nasiisb Wanaag waxaa Is Geli- waayey oo Is waafiqi-waayey Tooro-toorihii Cabeeynayey Suntaas iyo Badhankii la Taabanayey Marka AY rideyso Gantaalkaas Sunta Xanbaarsan (Missiles ) Diyaarada vMIIG 17-19 –iyo 21 Ee Sunta lagu shubay .Nasiib Wanaag waxaa ka hor Timi Cilad Xagga Farsamada ah Diyaradaahaas lagu Sameysay (Mechinacal Toy))Diyaaradahaas MiiG 17 iyo MIIG 19 Gantaalkaas (Missiles) EE SUNTA lagu Camcaminayey in uu Xanbaaraan >Suntaas waxaa laga soo Tahriibiyey Dawladii Wadanka CIRAAQ 1986 ee Berikaas Jirtay . waxaana Soo Raray Dawlada Yaman ilaa Magaalada Berbera Ee Somaliland . Waxaana ka Qeyb ka Qaatatay KHubaro Ciidanka ka mid ahaa Dawlada Marsar , Ciraaq , South Afrika iyo Sudaan Arrintaas waxaa soo Abaabulay in Sunta lagu Buufiyo .Taliskii Siyaad bare Nimankii Arrintaas loo Xilsaaray Sirtaas Waxaa ku Jiray NIman Somaliya ah Waxaana ka Nool . MAXAMED ALI SAMATAR OO JOOGA WADANKA Mareeykanka , Janaral MOOGAn oo ku Dhuumnaya Gobolka SHabeelaha Hoose iyo Saraakiil Aanan Hadda Magacooda Sheegeynin ee kala jooga Wadanka London , Norwey , iyo Magaalada Hargeysa /Laakiin Nasiib Wanaag waxaa Xumaatay FARSAMADII . Sidii loogu Cabeeyna lahaa Suntaas GANTAALADA (Missiles 27,500 Pound .)BBt-1251 ) Sanadkii 1986 . Dabadeed Markii lagu Camcamay Gantaalkii ugu horeeyey muu Qarxin (Testing) waxaa Lagu Tijaabiyey Xeebta uu Dhexeeysa Magaalada Berbera iyo Tuulada Karin bishii 29 Jan 1986 . ilaa hadana lagama war Hayo Meel uu Caga dhigtay Gantaalkaasi Sunta Hanbaarsanaa .

 

Markii aanu Badhitaan ka sameynay Khuburadii Dhulka loogu Soo Galay Waxaan Hubaa oo Makhraati ka ahay in la Dul -dhigay Suntaas Markii Danbe intii ka soo Hadhay Xeradii Ciidanka Gantaalada SAAM 1 iyo SAAM 2 ee Magaalada Berbera 1986 . Haddii ay Hagggi laheeyd in Lagu Guuleeysto Suntaas Maanta Cidina kama Noolaateeyn Dhulka Somaliland / Laakiin ILAAHAY baa Inala jiray ) Waana Waajib In ILAAHAY loo SHURI NOQO aad uu Sujuudaan( ILAAHAY ) dhibaatadaas ina soo martay inka dulqaaday oo ku soo Dabaalay NABDAN,iyo BARWAAQADAN aad joogtaan Gaar haan Reer Somaliland. Ilaahayna Waa Idiin Aqoon Sanhay Xidna ha baryina

 

 

Wa SAlaamo Caleeykum Waxmatulaahi wa baraakaatu >>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>>la Soco Qeybta Sadexaad

 

 

Qore GAR- YAQAAN Cawad Dooyo

L/H Wadanka Toronto . ONT.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Those who got their independence back ,,,,,, those who elected President Rayaale, the parliament and the other parties ,,, those who has a border with Djibouti, Ethiopia and Somalia.

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

I can't find on International maps or in th list of African,Arab, Islamic and U.N countries.

 

P.S. I don't really remember reer Awdal,Sool and Sanaag fighting any independence either. There are no any "Mujahiddins" from those regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeisa and Burco hosted a lot of populations from every region ,,, the shelling of the cities resulted the demise of anyone who lived there.

 

Reer Awdal, Sool and Sanaag bari have mujaahidiins sxb ,,,,, you can find them if you want.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LooooooooooL Umad wada mujaahid ah, idin kalee ha isku jihaadina. Mujaahid became like lollipop, given freely to little kids. I guess Riyaale is biggest Mujaahid then :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

So grievances coupled with colonial subjugation card are the raison d’etre for secession huh? Should Borame too remember how they suffered at the hands of SNM “mujahidiin”???

 

Talk about holes! The case for secession has more holes than my window’s bug screen :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tana yaala iloowin since some misguided Soomaalis consider Xabashis to be dad ah both inay deris iyo jaan wadaag wanaagsan yihiin.

---------------

 

Xasuuqii Boorame

 

Janaayo 30, 1984

 

Xabashidu weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay 6-14 sano iyo afar macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo shan macalin, waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa afar hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka

 

borama3.jpg

 

Deeqo Yuusuf Cige

 

borama1.jpg

 

Axmed Cabdi Barre

 

borama2.jpg

 

Cabdullaahi Nuur Cumar

 

borama7.jpg

 

Hibo Barqad Qayaad iyo Qayaad Barqad Qayaad

 

Waayo ummad kasta oo uunkan ku nooli waxay leedahay dhacdooyin taariikheed oo soo jireen ah oo ay ku dhaataan ama ay ka dhiidhiyaan, waana laba midkood uun:

  • Taariikh xambaarsan badhaadhe iyo himilooyin wanaagsan oo la hantay.
  • Taariikh xambaarsan tiiraanyo, dhiilo ama dhacdo xusuus reeb xun leh.
Haddaba dhacdooyinkan is huwan ayaa badanaaba waxa weeleeya maskax kastoo caafimaad qabta taasi oo ku dul suntan, raad-raaca taariikheed ee jiilba jiil uga sii taariikhoodo, arinta aan ugoleeyahay ee aan ubanbaxay wax kaqoristeeda islamarkaana aan ushanqadhiyo dhalinta facayga ah ee gayiga degan ayaa ah, akhristow raad-raaca taariikhda ee guunka ah oo maanta si urugo iyo naxdin leh u xusaysa bar-baartii, ubixii, sida xun ugu riiqday weeraradii waxshiga ahaa ee aan lookaala aabo yeelin ubax iyo xaamilaba.

 

Hadab bulshoweynta reer Awdal yaa ah bulsho ehel u’ah ilbaxnimo iyo aqoon dabo dheeraatay, isla markaan ku dhaadata taariikh guun ah oo soo jireen ah, waxaaana taasi marag ma doon u ah ilbaxnimadii Adal iyo sooyaalkii soomaaliyeed ee kahaqaaday guud ahaan Awdalta maanta taaso ahayd boqortooyo awood cudud iyo ilbaxnimo gaadhay oo xukunkeedu gaadhsiisnaa ilaa shawa(Ethiopia) taas oo la odhan karo waa halka ilbaxnimadii soomalidu ay ka soo dhab qaadatay.

 

Hadaba hadii aan ugudo galo dhacdan naxdinta leh ayaa waxay ubilaabmaysaa sidan hoose.

 

Amintu waa goor barqa ah abaaro 10:30 AM, bishii janaayo 30keedii, 1984 kii waana maalin farxad iyo rayn-rayn badan ay dadkuna faras magaalaha Boorama (xarunta iyo caasimada gobalka Awdal) ay tuganyihiin oo raxmaad iyo nimcada illaah ku mashaqeeyay taasi oo ay dheerayd jawi bilan oo ay weheliyaan neecaw iyo reexaan udug badan oo ka soo dhabanaayay dhinaca buuralayda iyo xeebaha gobolka.

 

Laakiin nasiib daro waayahan faraxa badan u mayna hiilin shacabkii u sacabotumaayay ee u heelanaa, Kadib markii 6 diyaaradood oo nuuca dagaalka ay ka soo gudbeen dhinaca xadka xabashida kuwaas oo bartilmaameed rasmi ah ka dhigtay ubax aan waxba galafsan oo duruus ujoog ku ahaa dugsiyadoodii. Deegaamo xaafadeed iyo xarumo ganacsiba, gardaradaa aan geedna lagula soo gaban ayaa waxaa ku galbaday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14) sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin kuwaas oo sixun u dhaawacmay ,waxaa kaloo dadka ku nafwaayay kamid ahaa afar hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka ag dhawaa dugsiyadaasi sida xun loo weeraray (ataagay).

 

Markasoo ay bulshada caalamkuna ay ku mashquulsanaayeen waa xiligaasiye ka badbaadinta dhalaanka nafaqadarada, macaluusha, xanuunada iyo cidhibtirka jahlinimada, ayay xukuumada xabashiduna ay awoodeeda ku tijaabisay ubad Soomaaliyeed oo birimagayda ah, shikina kuma jiro in xukuumadaha xabashidu ay yihiin xoog u taagan bur-burinta shacabka iyo barbaarta u hanaqadaysa gayigan.

 

Anaga oo kuhadlayna magaca bulshaweynta reer Awdal iyo eheladii dhibanayaasha ayaan ugu baaqaynaa dadyowga nabada jecel in aydhinac uga soo jeestaan ficilada xun ee ay cadaysteen xukuumadahasi xabashidu, arintu sikasta ahaatee dhacdadani waxay fariin ugudbinyasaa bulshoweynta soomaliyeed in ay cadowgooda u foojignadaan waxaana la, arkaa in dhinbiilihii hore ay wali dhab holcinayaan , inkastoo xasuuqaasi naxdin we-wel iyo tiiraanyo ku sogootiyay bulsho weynta reer awdal hadana waxaa xusid mudan in ayna cidna dabooli Karin ubax soo foodhacaaya.

 

Balse su’aasha la isweyndiin karo ayaa ah intee ayuu leekaa taageeradii ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdani ku hafsatay ?

 

Jawaabta ayaa ah mid cad dadka inta badana ay aaminsanyihiin in wax gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi helin, balse wax uun lagudboonaa dowlada in ay shicibaka ka difaacdo duqaynta arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin, waan taas ta sobobtay in uu wax kooban noqdo taageeradii ay bulshoweynta reer Awdal uqabeen xukuumadii xilligaasi.

 

Iskusoo wad xooriyoo hada waxaa lataaganyahay xiligii dhibanayaasha lagu xusilahaa taalo laga dhex qotamiyo faras magaalaha caasimada gobolka ee Boorama, si aan maanka iyo quluubta ugu hayno ubaxaasi inaga baxay dhamaanteen ,waayo bulsho kastaa waxa ay leedahay calaamad ay kuxusuusato dhacdooyinkan nuucan oo kale ah.

 

Gabogabada iyo gunaadka qalinkayga urugo qormaaya kuna hadlaya magacayga iyo magaca dhalinta reer awdal iyo magaca qoysaskii dhibtu gaadhay ayaan waxaan tacsi tiiraanyo leh ugubinaynaa dhamaan bulshoweynta reer awdal meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibadba iyo guud ahaan bulshoweynta soomaaliyeed, taariikhduna way xusi ubaxaasi saxiibadayo, wehelkayo, kuwaas oo nala qoondaynlahaa dhabada nolasha waxaase hubal ah in ay rabi ku galaday janatu firdowsa naxariisna, ay hugooga noqotay dhamaanteen allaah raxmaanka ahi samir iyo iimaan ha inaga siiyo aamiin.

 

Magacda ubaxii ku nafwaayey xasuuqii foosha xumaa ee Xabashida

 

Ilyaas Ibraahim Maydhane

Ismaaciil Muuse Tubeec

Abaadir Xaaji Ibraahim Xaaji

Axmed Idiris Ibraahim

Axmed Ibraahim Xaaji Booq

Ubax Cumar Maydhane

Anisa Daahir Caateeye

Maxamuud Maxamed Daahir

Yaasiin Daahir Ibraahim

Cabdi Xasan Cali

Cabdi Axmed Yuusuf

Xuseen Maxamed Nuur

Sucaada Cabdulle Faarax

Maxamed Xasan Faarax

Nimca Maxamed Xirsi

Rashiid Xuseen Cige

Cabdi Ismaaciil Xasan

Maxamed Awaadan Cabdi

Khadra Maxamed Xirsi

Maxamed Idiris Miicaad

Cabdirisaaq Sheekh Maxamed

Sahra Aaden

Faadumo Orodkudharag

Faa’isa Xaaji Ibraahim Muuse

Ruqiya Maydhane Muxumed

Hibo Axmed Cali Yeey

Maxamed Xasan Xandulle

Hinda Axmed Cilmi

Hibo Barkhad Qayaad

Qayaad Barkhad Qayaad

Deeqa Yuusuf Cige

Mustafe Cilmi Weyrax

C/laahi Nuur Cumar

Axmed Cabdi Barre

Kaltuun Abubakar Sheekh

Warla Cilmi Subagle

Sucaad Cali Obsiiye

Inta ka arag sawirada dhalinta yar Xabashada xasuuqday 24 sano kahor. Eebbana ha u wada naxariisto dhamaantood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Its ironic Baashi how on the one hand you advocate for dirrin(reconcilliation) in one thread yet fail to recognize the one place where that idea has worked and continues to work.I am even surprised why you would respond the way you did by bringing up something that has been resolved decades ago. :confused:

 

To quote you this is what you said in the other thread

Ayoub, come on board buddy. Reconcilliation is good for Somalis. It is the way forward. It is one thing to ponder over how to accomplish this monumental task - the task of ending the conflict.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this