Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay duleedka Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle, kadib markii halkaasi lagu arkay xubno Shabaab ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilabeen halkaasi, kuwaas laga dareemay deegaannada u dhow Jowhar.

HirShabelle oo ka war heshay arrintan ayaa dhankeeda qaaday tallaabo deg-deg ah, waxaana ciidamo dheeraada ay ku kordhisay askartii horay u joogtay baraha koontarool ee laga soo galo magaaladaasi, si ay usii adkeeyaan ammaanka guud ee caasimada.

Sidoo kale, ciidamada nabad-sugidda HirShabelle ayaa iyaguna isku fidiyay banaanka magaalada, halkaas oo ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah, waxayna gacanta kusoo dhigeen illaa 4 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay innoo sheegeen inay arkayaan ciidamada oo gaaf wareegayaa nawaaxiga Jowhar, iyaga oo ilaalinayo amniga.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay maxda maamulka HirShabelle oo ku aadan xaalada soo korortay iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ee ka socda Jowhar.

Bariga Jowhar ayaa waxaa haatan ka socda guluf culus oo ka dhan ah Khawaarijta, maadaama ay halkaas ka dhaceen dagaallo culus oo gaystay khasaarooyin kala duwan.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah.

Horay Al-Shabaab ayaa gudaha ugu galay Balcad, kadib weerar ay ku qaadday, iyada oo saacado kadib dib uga baxday, waxaana haatan gacanta ku haya ciidamada dowladda.

Guud ahaan HirShabelle ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay weeraro Al-Shabaab ku qabsadeen deegaannadii horay looga saaray, waxaana ugu dambeeyay degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe oo haatan ay gacanta ugu jirto kooxda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this