Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muuse Suudi oo si weyn u difaacay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa maanta si weyn u difaacay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii uu weeraray Senator kale oo ay iskala tirsan yihiin golaha.

Senator Farxaan Cali Xuseen oo ugu horreyn hadalka qaatay ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe, wuxuuna ka horyimid hananaanka doorasho ee ay waddo, maadaama Muqdisho ay ka bilowday diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee qof iyo cod.

Sidoo kale Senatorka ayaa usoo jeediyay madaxda sare ee dalka inay meel iska dhigaan arrimaha doorashada, una soo jeestaan, sidii loogu midoobi lahaa dagaalka Al-Shabaab.

“Waxaan aad u dhaleeceynayaa iyada oo dagaal lagu jiro in la yiraahdo halkan ayaa doorasho hal qof iyo hal cod lagu qabanayaa, taas beddalkeed waxaan dhihi lahaa dagaalka haloo midoobo, ummadda hala mideeyo” ayuu yiri Senator Farxaan.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan kale oo aan leeyahay yaan la siyaasadeyn xuquuaha ay leeyihiin Jubbaland iyo Puntland oo si isku mid ah oo cadaalad ah haloogu qaybiyo”.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Muuse Suudi oo beeniyay eedeynta Sanatorka, wuxuuna sheegay inuu doonayo kaliya dantiisa gaarka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Muuse ayaa sidoo kale boggaadiyay shaqada haya’adaha dowladda federaalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dagaalka adag ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Waxa uu sheegaayo oo dhan waa beentiis dan uu isaga leeyahay oo kaliya waayay ee dowladdaan waa shaqeyneysaaa” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli ay dalka ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo kacsan, kana dhalatay hannaanka doorashada iyo dagaal adag oo lagula jiro Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this