Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo soo jeedin yaab leh ka sameysay calanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyada oo haatan ay kasii dareyso xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa haddane mar kale tallaabo culus waxaa qaaday maamulka fadhiggiisu yahay magaalada Hargeysa, taas oo la xiriirta calanka buluuga ah ee Jamhuur Soomaaliya.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ujeedadii laga lahaa xiddigta dhexda uga taalla calanka ay burburtay, iyada oo fashil wayn ku eedeysay dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Axmed Maxamuud (Barwaani) oo arrintan soo hadal qaaday ayaa sheegay in la waayay Jabuuti, Soomaalidii Itoobiya, Soomaaldiii Kenya iyo Somaliland, sidaas uu sheegay inuu ku burburay calankii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Somaliland ay tashatay, isla markaana la soo noqotay xorriyaddeedii luntay 1960-kii, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da.

Sidoo kale wuxuu dowladda federaalka usoo jeediyay inay wax ka badesho calanka oo ay ka saarto afarta gees ee xiddigta dhexda uga taalla.

“Calanka buluugga ah shantii Soomaaliyeed ee loo sameeyay waa la waayay, marka Soomaaliya Calan hal gees ah ha sameysato oo xiddigta haka saarto afarta gees ee kale” ayuu wareysiga yiri wakiilka maamulka Somaliland ee dalka Kenya.

Dhinaca kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Xamze, isaga oo xusay in aanay aqoon badan u lahayn ujeedada ay u taagan xiddigta 5 gees ee  ku taalla Calanka Buluugga ah, loona baahan yahay inay fahmaan.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo dhowaan Somaliland ay ku dhowaaqday inay gebi ahaanba hakisay wada-hadalladii ay kula jirtay Soomaaliya, sababo la xiriira safarkii uu Ra’iisul wasaare Xamza ku tegay Laascaanood, kaas oo sii huriyay xiisadda taagan.

“Dawladda Soomaaliya waxa ay si cad uga baxday dariiqii nabad-ku-wada-noolaanshaha iyo wada-hadalka, iyada oo imaatinkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood uu yahay xad-gudub badheedh ah oo ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay Somaliland.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an difaaca qaranimadeeda iyo adkaynta madax-bannaanideeda, si aan gorgortan lahayn”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this