Sign in to follow this  
Deeq A.

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo si rasmi ah uga bilaabatay Saddex Degmo oo cusub oo ka tirsan Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho – Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka soo socda ayaa si rasmi ah uga bilaabatay saaka saddex degmo oo hor leh oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmooyinka Xamarweyne, Shibis, iyo Boondheere ayaa lagu arkayaa dadweyne si weyn u soo baxay, kuwaas oo u dareeray xarumaha isdiiwaangelinta si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinimo.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, iyadoo horey diiwaangelinta looga bilaabay degmada Shangaani – taasoo noqotay degmadii ugu horreysay ee gobolka Banaadir laga bilaabo howlgalka muhiimka ah.

Dadweynaha ka kala yimid Xamarweyne, Shibis iyo Boondheere ayaa muujiyay dareen farxad leh iyo rajo hor leh, iyagoo sheegay in ay muddo ka badan 50 sano kadib fursad u helayaan inay codkooda ku doortaan ciddii mataleysa. Mid ka mid ah dadka isdiiwaangeliyay ayaa yiri, “Maanta waa maalin taariikhi ah. Waxaan rajeyneynaa in codkeenna uu wax ka beddeli doono mustaqbalka dalka.”

Mas’uuliyiinta doorashada ee heer gobol iyo degmo ayaa sheegay in diiwaangelintu u socoto si habsami leh, islamarkaana la diyaariyay dhammaan agabkii iyo shaqaalihii loo baahnaa si ay u fududeeyaan geeddi-socodka. Waxaa sidoo kale xusid mudan in la adkeeyay amniga goobaha diiwaangelinta si dadku ay ugu codeeyaan si nabad ah.

Dowladda federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Banaadir, in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah oo ay isdiiwaangeliyaan si ay u helaan xaqa ay ugu codeyn karaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this