Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo ka warbixisay hawlgalka ciidan ee maanta ka socda togga Miraale ee buuraha Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250418_141740074.jpg?resize=720

Dowladda Puntland oo qoraal kooban soo saartay ayaa ka warbixisay hawlgal qorshaysan oo maanta ciidamada difaaca Puntland ku qaadeen togga Miraale, kaasi oo dhammaystir u ah wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad.

Hawlgalka Miraale oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayay ciidamada difaaca Puntland guul taariikhi ah ka gaareen, kaddib markii ay godadka ugu daateen firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee halkaasi ku go’doonsanaa, sida ay sheegtay dowladda Puntland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay mileeshiyaad ka tirsan argagixisadii ku dhuumanayay nawaaxiga ceelka Miraale islamarkaana laga saaray godadkii.

“Ciidanka oo maanta hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey Argagixiso ku dhuumalaysanaysay Miiraale, iyagoo kasaaray Godadkii. Dhameystirka Wejiga 3-aad ee Hawlgalka Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo ka warbixisay hawlgalka ciidan ee maanta ka socda togga Miraale ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this