Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada difaaca Puntland oo hal goob ku dilay ajaanib badan oo ka tirsanaa Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250419_092531063.jpg?resize=100

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka fashiliyay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah, oo ay ku soo qaadeen dabley ka tirsan mileeshiyaadka Daacish.

Mileeshiyaadka oo weerar ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada difaaca Puntland ku lee yihiin togga Afka Curaar ayay ciidamadu fashiliyeen weerarkooda, waxaana dhammaantood lagu dilay goobta, sida ay shaaciyeen saraakiisha ciidamada.

Ciidamada dowladda ayaa soo bandhigay meydad badan oo dhammaantood ajaanib ah kuwaasi oo isugu jira carab iyo Afrikaan, waxaana saraakiisha ciidamadu sheegayaan in aysan cidna ka baxsan mileeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Kooxda oo shalay si ba’an loogu jebiyay dagaalkii ka dhacay Ceelka Miraale, islamarkaana laga qabsaday taliskii weynaa ee Ceelka Miraale ayaa isku dayay in ay ciidamada u daba-marto saldhiga Afka Curaar, taasi oo ay fashiliyeen ciidamadu.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada difaaca Puntland oo hal goob ku dilay ajaanib badan oo ka tirsanaa Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this