Sign in to follow this  
Deeq A.

Wargeyska The Economist oo Puntland Ku Tilmaamay “Jamhuuriyad Ka Go’day Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   
1000013499.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1Warbixinta lagu soo qoray wargeyska The Economist waxay abuuri kartaa cadaadis siyaasadeed oo saameeya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xiriirka maamulkiisu la leeyahay Imaaradka uusan caddeyn.

Garoowe (Wararka PP) — Wargeyska The Economist, oo ah toddobaadle ka soo baxa London, ayaa Puntland ku tilmaamay goosasho-doon. Warbixin cinwaankeedu yahay “Imaaraadku wuxuu dalkiisa ku boorriyaa midnimo, dalalka dibeddana kala qeybsanaan” ayuu wargeysku ku xusay in Boosaaso ka mid tahay meelaha uu Imaaraadku ka samaystay saldhigyo ciidan.

“Imaaraadku wuxuu caawinayaa Golaha Ku Meelgaarka ee Koonfurta Yemen oo goosasho-doon ah. Wuxuu kale oo xiriir la samaystay Somaliland iyo Puntland oo ah jamhuuriyado ka go’ay Soomaaliya” ayuu wargeysku qoray.

1000013481.jpg?resize=677%2C949&ssl=1Khariidadda wargeyska The Economist u isticmaalay warka waxay muujinaysaa in dhulka maamulka SSCK si gaar ah loo midabeeyay taas oo muujinaysa in labada maamul midna uusan siyaasad ahaan ka talinin dhulkaas.

Maamulka Puntland weli kama jawaabin warkan lagu soo qoray wargeyska The Economist oo noqon kara war cadaadis siyaasadeed u keeni kara Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xiriirka maamulkiisu la leeyahay Imaaradka uusan caddeyn.

Khariidadda wargeyska The Economist u isticmaalay warka ayaa muujinaysa in dhulka maamulka SSCK si gaar ah loo midabeeyay si loo muujiyo in labada maamul midna uusan siyaasad ahaan ka talinin dhulkaas.

© Puntland Post, 2025

The post Wargeyska The Economist oo Puntland Ku Tilmaamay “Jamhuuriyad Ka Go’day Soomaaliya” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this