Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka difaaca Sacuudiga oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka difaaca Sacuudiga, Khaalid bin Salmaan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku gaadhay magaalada Tehran ee caasimadda Iran, halkaa oo la sheegay inuu wada-hadallo kula yeelanayo saraakiisha Iran.

Muxuu muhiim u yahay socdaalkan?

Sacuudiga , wuxuu dib usoo celiyay xiriirka uu la leeyahay Iran , 10 bishii Maarso, 2023 , iyadoo hadda ay Riyaad soo bandhigayso siyaasad ku dhisan iskaashiga dhinacyada oo dhan , balse xoojinta iskaashiga Iran , waa mid la xiriirta xaaladda gobolka bariga dhexe oo uu doonayo Sacuudiga inuu ka fogaado khatar uu lala kulmi karo. Mareykanka wuxuu sugaya natiijada wada-hadallada nukliyeerka uu kula jiro Iran, kuwaa oo haddii ay burburaan uu Mareykanka weerar ku qaadi karo Iran, tan oo dhalin karta inay Iran dhankeeda weerarto saldhigyada dalalka khaliijka uu ku leeyahay Mareykanka , laakin waxaa jira khatar kale oo Sacuudiga uu doonayo inay Iran ka siiso dammaan, waana in iskudayga Mareykanka uu dib uga dhalinayo Yemen , dagaal sokeeye iyo weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta oo horseedi kara inay dhaliso iska horimaad gaara dalalka khaliijka , mana uu doonayo Sacuudiga inuu wajaho khatarta Xuutiyiinta oo weerarri kara saldhigyada Mareykanka , xilli mar horaba uu Sacuudiga caddeeyay inuusan qeyb ka noqon doonin duullaan kasta oo lagu qaadayo Xuutiyiinta iyo inan loo adeegsan doonin saldhigyada ku yaalla iyo hawadiisa weerarro ka dhan ah Iran.

Sacuudiga, wuxuu isku diyaarinaya inuu noqdo dal soo jiita dalxiisayaasha caalamka, wuxuuna martigelin doonaa tartamo caalami ah oo koobka kubadda cagta adduunka uu ku jiro, xaaladaana waxay ku riixeysa inuu ka fogaado khatarta…!

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this