Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ku eedeyay Shiinaha inuu taageerro kooxda Xuutiyiinta Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka ayaa markii u horreysay si cad ugu eedeyay Shiinaha inuu taageerro kooxda Xuutiyiinta Yemen, kaddib markii warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu sheegay in shirkadda dayax-gacmeedyada Shiinaha ee Chang Guang , ay si toos ah u taageerto weerarrada ka dhanka danaha Mareykanka ee ay fuliyaan Xuutiyiinta, waxaana lagu sheegay dayax-gacmeedyada shirkadan inay bixiyaan xogta iyo bartilmaameedyada maraakiibta Mareykanka ee ay weerarraan Xuutiyiinta. Shir jaraa’id oo ay xalay qabatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka , Tammy Bruce, waxay ku sheegtay ; “Waxaan xaqiijin karnaa warbixinta ah in Chang Guang Satellite ay si toos ah u taageerto weerarrada Xuutiyiinta ee danaha Mareykanka… ma aha wax loo dulqaadan karo.” Ka hor shirkan jaraa’id; wargeyska Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa soo xigatay saraakiil Mareykan ah oo u sheegay in shirkadda dayax gacmeedka ee xiriirka la leh militariga Shiinaha inay u gudbiso Xuutiyiinta muuqaallada maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa ganacsiga ee ku sugan badda cas, taa oo u fududeysa Xuutiyiinta inay si toos ah u beegsadaan maraakiibta Mareykanka iyo maraakiibta caalamiga ah. Shirkadan waxaa la sheegay inay ka aamustay marar kale duwan oo Mareykanka uga digay wada shaqeynta iyo taageerrada ay siinayaan Xuutiyiinta. Fiiro gaar ah ; Hadalkan ka soo baxay Mareykanka , wuxuu calaamad u yahay marxalad kulul oo ku wajahan xiisadda muddada dheer jirtay ee Mareykanka iyo Shiinaha oo markii hore ku koobnayd tartan ganacsi , balse taageerrada Shiinaha ee hadda soo baxaysaa inuu siinayo Xuutiyiinta , waxay dagaalkii qaboobaa ee labada dhinac u rogi kartaa colaad toos ah, xilli Shiinaha uu ka caraysan yahay hubka Mareykanka ee lagu daabulayo Filibiin iyo Koonfur Kuuriya oo khatar ku ah danaha Shiinaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this