General Duke Posted January 28, 2008 Axmed Diiriye"Runtii waxaan hilmaami karin hadal intii aan xirnaa i yiraahdeen Ciidamadii Ethiopian-ka ahaa ee ilaalada iga hayay". Muqdisho,(WNT):-Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** Garabka uu Hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad oo shalay dib loo sii dayay ayaa shaaca ka qaaday in sii deyntiisa gacan weyn ka geysteen xubno sar sare oo ka tirsan dowlada Federaalka soomaaliya gaar ahaan ra'isul wasaare Nuur Cadde. Axmed diiriye ayaa sheegay in isagu uu ku xirnaa Magaalada Baydhabo isla markaana markii la qabtay mudo 2-cisho ah Muqdisho joogay kadibna Baydhabo loo gudbiyay isaga oo intaasi ku daray in shalay uu ka soo dagay garoonka Muqdisho isaga oo ay la socsaan Ra'isul wasaare Nuur Cadde iyo xubno golihiisa wasiirada ka tirsan. Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in markii uu ka soo dagay Garoonka kulan saacado qaatay halkaasi kula yeeshay Ra'isul wasaare Nuur Cadde isla markaana ay ka wada hadleen arimo badan gaar ahaan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa kooxaha sida weyn uga soo horjeeda Dowlada federaalka soomaaliya. Mar uu ka hadlayay mudadii uu ku sugnaa xabsiga waxyaabihii uu kala kulmay ayaa sheegay in uusan wax dhib ah la kulmin isla markaana si weyn loogu daryeelay laakiin waxaa uu tilmaamay in uusan hilmaami karin hadal ay ku yiraahdeen Ciidamadii Ethiopianka ahaa ee isaga ilaalada ka hayay. "Runtii waxaan Hilmaami karin hadaladii ay i yiraahdeen Ciidamadii Ethiopia ee ilaalada iga haysay kaasi oo ahaa in Ethiopia ay ka kooban tahay 75-qowmiyadooda aanay isku diin aheyn,isku dhaqan aheyn waxa kaliya oo ay ka midaysan yihiina ay tahay nidaam sidaa daraadeed soomaaliya oo hal qowmiyad ah hal diina wada wadata maxay la heshiin la'dahay"ayuu si qushuuc leh ku yiri axmed diiriye . Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in markii ay arintaasi u sheegeen uu garan waayay sida uu jawaab uga bixiyo isaga oo ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay dagaalka joojitaan wax walbana wada hadalka ka hor mariyaan. Ugu dambeyntii Afhayeenka Golaha dhaqanka Axmed diiriye ayaa balan qaaday in haatan wixii ka dambeeya ka shaqeyn doono sidii soomaaliya nabad u noqon laheyn isla markaana wada hadal u yeelan lahaayeen dowlada federaalka soomaaliya iyo kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda. C/kariin Xuseen Guutaale. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 28, 2008 AXMED DIIRIYE CALI: “Soomaali oo dhan haddii la isu keeno waxaa ku filan kheyraadka yaala inta u dhaxeysa Jowhar iyo Marka, marka waxaan leeyahay Soomaaliyey heshiiya” Isniin, January 28, 2008(HOL): Afhayeen Dhaqanka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** Axmed Diiriye Cali oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu shalay dib u helay xoriyaddiisa kagadaal muddo 80 cisho ah oo uu xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka waramay sidii loola dhaqmay iyo halka lagu hayay intii uu xirnaa. Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in markii ugu horeysay oo la qabtay lagu xiray muddo labo maalmood ah xarunta Baarista Xisbiga, kadibna loo gudbiyay xabsi ku yaala xero mileteri oo Gobolka Bay ku taala, taasi oo ay maamulaan Ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna intaas ku daray in intii uu xirnaa aan wax dhibaato ah loo geysan. “Marka laga reebo in aan xirnaa oo aanan heysan wax xoriyad ah ma jirin dhibaato kale oo la ii geystay”ayuu yiri Axmed Diiriye oo sheegay in intii uu xirnaa uu ahaa qof aan waxba la socon oo aan loo ogolaan in uu Taleefoon helo ama Raadiye uu dhegeysto. Axmed Diiriye Cali waxaa uu u mahadceliyay intii sii deyntiisa ka qeybqaadatay oo uu ka xusay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ku jira Xukuumaddiisa, wuxuuna intaas ku daray in sii deynta la sii daayay isaga iyo xubno kale oo kala tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** ay taasi iftiimineyso in laga wada hadlo mushkiladda dalka Soomaaliya. Mar uu la hadlayay Dadka Soomaaliyeedna waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in laga heshiiyo colaadaha iyo khilaafaadyada jira, isagoo xusay in Dhulka Soomaaliyeed uu ka soo harayo Dadka Soomaaliyeed oo uu ka badan yahay, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay heshiiyaan oo ay wada manaafacaadsadaan kheyraadkiisa, “Soomaali oo dhan haddii la isu keeno waxaa ku filan kheyraadka yaala inta u dhaxeysa Jowhar iyo Marka, marka waxaan leeyahay Soomaaliyey heshiiya” ayuuna yiri Axmed Diiriye Cali. Axmed Diiriye waxaa uu dhinaca kale baaq u diray dhinacyada isku haya Soomaaliya wuxuuna Dowladda Federaalka ugu baaqay inay dagaalka joojiso, sidoo kalena ay iyana dagaalka joojiyaan dhinacyada ka soo horjeeda, “Dowladda waa in ay xabad joojin ku dhawaaqdaa oo ay siyaasaddeeda burburinta ah bedeshaa, dhinacyada ka soo horjeedana waa in aysan dagaalamin oo ay nabadda qaataan”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay in uu sii wadan doono howshii uu bulshada u hayay ee ahayd in uu ka hadlo dhibaatooyinka dalka ka dhacaya, gaar ahaan magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites