Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada Shangaani

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho dhiirrigelin ah ku tagay xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani, xilli ay si rasmi ah u bilaabatay diiwaangelinta doorashooyinka golaha deegaanka.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahayd mid kor u qaaday niyadda shacabka deegaanka, iyadoo dadka degmada Shangaani ay si weyn ugu soo baxeen goobaha diiwaangelinta.

Dadweyne isugu jira dhalinyaro, haween iyo odayaal dhaqameed ayaa muujiyay wacyi, hammi iyo biseyl siyaasadeed, iyaga oo si buuxda u muujinaya doonistooda ah inay ka qayb qaataan geedi socodka dimuqraadiyadda ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay warbaahinta kaddib booqashadiisa ayaa xusay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladdii doorasho dadban, islamarkaana hadda lagu talaabsanayo doorasho toos ah oo ay dadku si toos ah codkooda u dhiibanayaan.

Degmada Shangaani ayaa noqotay tii ugu horreysay ee laga bilaabo diiwaangelinta, waxaana la filayaa in degmooyinka kale ee gobolka Banaadir ay si isdaba joog ah ugu biiraan ololaha. Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeeray goobaha, iyagoo tilmaamay in howlaha diiwaangelinta ay u socdaan si habsami leh.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this