Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab dagaal culus oo ka socda duleedka Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo – Saakay aroortii hore ayaa dagaal culus uu ka qarxay bannaanka magaalada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka Maayafuulka, halkaas oo dagaalameyaasha Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed.

Dagaalka oo la sheegay inuu socday saacado badan ayaa ahaa mid aad u culus, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay wararku sheegayaan, weerarkan waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaannada ku dhow Daynuunaay iyo Maayafuulka oo ka tirsan gobolka Baay, meel aan ka fogeyn Baydhabo.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa si degdeg ah uga hadlay weerarka, waxayna sheegeen in ciidamada ay si geesinimo leh uga hortageen weerarka islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka ayaa wali kacsan, waxaana mararka qaar adkaata helista xog rasmi ah sababo la xiriira hakadka ku yimaada isgaarsiinta. Balse wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay maxaabiis ka qabteen kooxda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this