Sign in to follow this  
Deeq A.

War Deg Deg ah: Doomo Hub u Siday Al-Shabaab oo Lagu Burburiyay Xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidanka amniga badda ee Soomaaliya ay burburiyeen doomo hub sida oo la sheegay inay u socdeen kooxda ee Al-Shabaab.

Sida ay ilo-wareedyo rasmi ah xaqiijiyeen, howlgalka ayaa ka dhacay xeebaha koonfureed ee dalka, halkaas oo ciidamadu ay ku beegsadeen doonyahaasi xilli ay damacsanaayeen inay si qarsoodi ah ku soo degaan.

Doonyaha ayaa lagu tuhunsanaa inay sideen hub culus, rasaas, iyo agabyo kale oo ciidan, kuwaas oo la sheegay in loogu talagalay in lagu xoojiyo weerarada kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.

Wixii kusoo kordha waan ku soo gudbin doonaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this