Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dambeyay Hoobiyeyaal ku dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Saakay aroortii hore ayaa tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana la soo wariyay in madaafiicdaasi ay geysteen khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Hoobiyeyaashu waxay ku dhaceen xaafado ku yaalla degmooyinka Shibis, Waaberi, Xamar Jajab iyo Xamar Weyne.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen waddooyinka dhex mara xaafadaha degmooyinkaasi, halka kuwo kalena ay si toos ah ugu dhaceen guryo ay dad shacab ah daganaayeen.

Inkasta oo aan ilaa hadda la helin tirada saxda ah ee khasaaraha, wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ugu yaraan hal qof rayid ah uu ku dhaawacmay hoobiye ku dhacay degmada Xamar Weyne.

Weerarkan lama oga cidda ka dambeysa, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhacdadan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this