Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta haweenay Soomaaliyeed oo Mareykanka uu ku raadinayo $5 milyan

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaareysa illaa $5 milyan, taasoo la siinayo qof kasta oo keena xog suurtagal ka dhigeysa in la soo qabto haweeneyda lagu magacaabo Khadra Ciise.

Haweeneydan oo Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay inay tahay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish.

Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan Ummu Qacqaac Soomaaliya, ayaa lagu qoray liiska dadka ay dowladda Mareykanka baadi goobeyso.

Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee ka soo baxday waaxda Caddaaladda ee Mareykanka, Khadra waa muwaadinad Dutch ah oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya.

Eedeymaha loo jeediyay Khadra waxaa ka mid ah inay gacan ka geysatay weerarro ismiidaamin ah iyo dilal loo geystay dad rayid ah. Intaa waxaa dheer, waxay si firfircoon uga qayb qaadatay fidinta afkaarta xagjirka ah ee kooxda Daacish, iyadoo sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay door weyn ka qaadatay qorista xubno cusub oo kooxdaasi ku biiray.

Mareykanka ayaa farriin cad u diray cid kasta oo heysa xog la xiriirta haweeneydan, isagoo sheegay in qofka keena macluumaad horseedi kara in la helo Khadra uu u qalmi karo abaalmarinta lacageed. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda Daacish.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Khadra Ciise ay hore u xannaaneyn jirtay carruur la afduubay. Sannadkii 2019, waxay gacanta ku haysay labo ilmo Mareykan ah oo lagu kala magacaabo Yusuf iyo Zahra Shikder, kuwaas oo ay u qaaday goob aan la garanayn oo ku taalla dalka Suuriya, kadib markii hooyadood lagu dilay duqeyn lala beegsaday kooxda Daacish.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn halka ay hadda ku sugan tahay Khadra, haddana dowladda Mareykanka waxay ku dartay liiska dadka loogu doonista badan yahay ee madaxooda la dul dhigay malaayiin dollar. Talaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu fududeeyo raadinta iyo qabashada haweeneydan.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u adeegsatay nidaamkan abaalmarinta ah si ay u hesho xog muhiim ah oo ku saabsan shaqsiyaadka ay u aragto khatar amniyeed. Kiiska Khadra Ciise wuxuu tusaale u yahay sida Mareykanka ugu heelan yahay la dagaalanka kooxda Daacish iyo la xisaabtanka dadka lagu eedeeyo dambiyada culus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this