Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada dan ee aas-aaska u ah isbaheysiga ay sameysteen Al-Shabaab iyo Ansar Allah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo xoogagga fallaagada Ansar Allah ee Yemen ayaa sameystay iskaashi halis gelinaya xasilloonida Badda Cas iyo qaybo ka mid ah Geeska Afrika.

Xudunta iskaashigan waxa sal u ah laba baahi oo isku darsamay: Al-Shabaab waxay haystaan lacago waxayna u baahan yihiin hub si ay ula dagaallamaan dowladda Soomaaliya. Kooxda Ansar Allah, oo sidoo kale loo yaqaan Xuutiyiinta, waxay haystaan hub waxayna u baahan yihiin dhaqaale si ay u maamulaan deegaannada waqooyi-galbeed ee Yemen oo ay si dhab ah ugu taliyaan.

Inkasta oo ay kala duwan yihiin xagga diinta iyo siyaasadda, labada koox ayaa sameeyey iskaashi. Al-Shabaab waa koox Sunni ah oo xiriir la leh al-Qaacida, halka Xuutiyiintu yihiin Shiico taageero ka hela dalka Iran oo si qarsoodi ah ugu gudbiya hub fudud iyo qalab dagaal, taasoo jabinaysa cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobe ay saartay Yemen.

Warbixin uu baahiyey ururka Global Initiative Against Transnational Organized Crime sanadkii 2020 ayaa sheegtay in qaar ka mid ah hubkaasi uu gaaro Soomaaliya.

Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa wadajir ugu hawlan carqaladeynta maraakiibta ganacsiga ee maraysa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Febraayo waxay xaqiijisay in xubno ka kala socday labada koox ay kulmeen Soomaaliya bishii Luulyo iyo Sebteembar 2024.

Intii lagu guda jiray kulamadaas, Xuutiyiinta ayaa oggolaaday inay siiyaan Al-Shabaab hub iyo taageero farsamo, iyagoo taa beddelkeedana codsaday in la kordhiyo afduubka iyo burcad-badeednimada ka dhacda Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya.

“Warbixinadan waxay iftiiminayaan wadaxaajoodyo socda, kuwaas oo Xuutiyiintu lagu eedeeyay inay fududeeyaan gudbinta hub casri ah oo ay ku jiraan diyaarado aan duuliye wadin iyo gantaallo lidka diyaaradaha ah oo la siiyo Al-Shabaab,” ayay qortay cilmi-baare Zeinab Mostafa Ruwayha oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Yemen iyo Khaliijka.

Ruwayha waxay sidoo kale sheegtay in injineerro ka tirsan Xuutiyiinta ay booqdeen Al-Shabaab si ay uga caawiyaan samaynta hub casri ah iyo qaraxyo farsamaysan.

Al-Shabaab waxay u aragtaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Xuutiyiintu farsameeyaan iyo hubka ay Iran samaysay inay yihiin fursad ay dib ugu qabsato xeebaha, kuwaasoo ay ku waayeen howlgalladii ciidamada qaranka Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah. Guuldarrooyinkaas ayaa hoos u dhigay awoodda dhaqaale ee kooxda.

Dhanka kale, Xuutiyiinta waxay iskaashigan u arkaan fursad ay ku balaarin karaan saamayntooda, taas oo si dadban uga dhigan mid ay Iran ku fidinayso awooddeeda Badda Cas iyo Geeska Afrika, sida ay sheegayaan khubaro.

Laga soo bilaabo dabayaaqadii 2023, Xuutiyiintu waxay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen in ka badan 130 markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Bab el-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Weeraradan ayaa sabab u noqday in maraakiibta mara Badda Cas ay hoos u dhacaan ku dhowaad 50% intii u dhaxaysay November 2023 iyo November 2024, sida uu sheegay bogga wararka maraakiibta ee Lloyd’s List.

Marka laga yimaado hubka ay ka helaan Iran, Xuutiyiinta ayaa sidoo kale horumariyay awood ay ku soo saaraan diyaarado aan duuliye wadin oo noocyo badan leh, kuwaasoo ku habboon ujeedooyin sirdoon iyo weerarro ismiidaamin ah, kuwa cirka ah iyo kuwa badda ah labadaba.

Dhankooda, Al-Shabaab ayaa si xirfad leh u maamula dhaqaale kor u dhaafaya $100 milyan sanadkii, iyagoo ka helaya baad iyo ganacsato la fikir ah.

In kasta oo Al-Shabaab ay tahay ilo dhaqaale oo muhiim u ah kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ee dunida, haddana gudaha Soomaaliya way daalaa dhacaysaa. Sanadkii 2023, waxay ku waayeen saldhigoodii xeebeed ee gobolka Galmudug, halkaasoo ay kala kulmeen cadaadis xooggan oo uga yimid ciidamada dowladda. Sidoo kale, way ka saameyn beeleen Puntland, halkaasoo ay dhul ku waayeen kooxda Daacish.

“Teknoolajiyaddan ay Xuutiyiintu wataan waxay muhiim weyn u tahay Al-Shabaab, taasoo rumeysan in iskaashi lala yeesho Xuutiyiinta uu ka caawin karo yareynta guulaha dhanka milatari ee ay ciidamada Soomaaliya gaareen labada sano ee la soo dhaafay,” ayay tiri Ruwayha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this