Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo ugu dambeyn gudaha u galay fariisinkii ugu weynaa ee Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta markale qaaday howl-gallo culus oo ka dhan ah xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, kuwaas oo muddo dheer ku dhuumaaleysanayay deegaanno adag oo buuraley ah.

Howl-galkan oo si qorsheysan looga fuliyay dhawr jiho ayaa lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahayd gobolka Bari. Wararka kasoo baxaya saraakiisha ayaa tilmaamaya in khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, loogana qabsaday hub iyo agab ciidan oo fara badan.

Ciidamada Puntland waxay xoogga saareen weerarro lagu bartilmaameedsaday togga Miraale, oo caan ku ahaa inuu ahaa xarunta ugu weyn ee Daacish ee gobolka. Dagaal xooggan kadib, waxaa lagu guuleystay in laga saaro kooxda halkaas, iyadoo burbur weyn lagu sameeyay difaacyadii ay halkaas ku lahaayeen.

Togga Miraale ayaa horey u ahaa mid adag in la galo, iyadoo ciidamada ay la kulmeen caqabado dhanka deegaanka ah iyo dhufeyso adag oo ay sameysteen kooxda Daacish. Balse, ciidamada ayaa si taxaddar leh u wajahaya howl-gallada ilaa ay ugu dambeyn gudaha u galeen.

Marka loo eego warbixinada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay inuu marayo gebagabo. Kooxda Daacish ee firxadey ayaa hadda lagu sheegay inay ku sugan yihiin meelo kooban oo aan lahayn difaac buuxa.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saldhigyo istiraatiiji ah, kuwaas oo muhiim u ahaa isku xirka kooxda, taasoo hoos u dhigtay awooddii xiriirka iyo abaabulkooda gudaha gobolka.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ka turjumeysa guulaha laga gaaray dagaalkan, isagoo shacabka la wadaagi doona xogta rasmiga ah ee howl-gallada iyo tallaabooyinka xiga ee lagula tacaali doono kooxaha khatarta ku haya amniga Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this